Hargaysa 05.May (SDN) Maayarka Caasimada Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco iyo Mas’uuliyiinta Dawlada hoose ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Dawlada Hoose ee Caasimada,kaas oo lagaga hadlay dardar galinta hawlaha ay bulshada u hayaan.
Kulankan waxaa hadal ka soo jeediyay duqa caasimada hargaysa ayaa uga digay dadka Samaystay dayrarka Sharci darada ah,waxaanu sheegay inay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah.
Cabdi raxmaan Maxamud Caydiid waxa uu u soo jeediyay hawl wadeenada dawlada hoose inay la yimaadaan dadaal ka badan kii hore si looga midho dhaliyo ayuu yidhi Qorshayaasha ay ku horumarinayaan Caasimada hargaysa,Isagoo intaas ku daray inay Maamul ahaan Shaqaalaha ku abaal marin doonaan Sida ay uga soo baxaan hawlaha ay Mas’uulka ka yihiin.
Xoghayaha fulinta Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa Mawliid Waris C.laahi ayaa dhiniciisa ka sheegay in Maadama ay Maalmo Koobani inaga xigaan Xuska Qaran ee Laba iyo labaatan Guurada ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland ay waajib tahay Sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorka dawlada hoose ku leedahay Xuska 18-ka May gaar ahaan Caasimada Hargaysa oo ah Muraayadii Wadanka .
Waxaa kale oo Kulankaas ka hadlay Madaxa Shaqaalaha ee Dawlada hoose iyo Mas’uuliyiin kale .
Hargasya SDN.
Qurbejoog.com
