Uncategorized

Taliyaha Booliska iyo Agaasimaha Nabad Sugida Soomaaliyeed oo maanta la dhaariyay (Sawirro)

Muqdisho May 05 2013 (SDN)— Munaasabad uu ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu dhaariyay Agaasimaha Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Labadan Mas’uul ee loo magacaabay Hay’addaha ku shaqada leh Amaanka dalka ayaa waxaa dhaariyay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf.

Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaarinta kaddib hadlay ayaa waxa uu sheegay in Mas’uuliyiintan la dhaariyay ay xil culus qaadeen waxaana uu kula dar daarmay in ka soo baxaan shaqadan culus ee ay dowladda u igmatay.

Cabdi Xakiin Saacid  oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska ee la dhaariyay ayaa hore u ahaa taliye kuxigeenkii booliska Soomaaliyeed, halka Bashiir Goobe oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumadahii dalka soo maray qaarkood insane loo dhaariyay Agaasimaha Hay’add Nabad Sugi dalka.

Khamiitii ayay aheyd markii golaha wasiirada ay meel mariyeen soo jeedin ka timid Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo aheyd in Labadan Mas’uul loo magacaabo xilalkaasi.

SDN-Muqdisho