Muqdisho May 05 2013 (SDN)— Sida uu qoray website faafiya wararka Al Shabaab, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Isgoyska Km4 ee Magaalada Muqdisho.
Xubno katirsan Xafiiska Warfaafinta Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxaasi ismiidaaminta ah ay la bartilmaameed sadeen wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya iyo wafdi Cadaan ah oo la socday xilligaas sida ay hadalka u dhigeen.
Shabaab ayaa ku sifeeyay Raga Cadaanka ah ee ay sheegeen in ay la socdeen wasiirka calooshood u shaqeystayaal dana jaa-juusnimo u yimid Soomaaliya.
“Mujaahidiinta ayaa maanta beegsaday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Ridada iyo wafdi caddaan calooshood u shaqeystayaal ah,weerarka waxaan u adeegsanay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo aan u dhignay wadada hareeraheeda”ayuu yiri Sarkaal Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxaasi waxa ay sheegtay in qaraxa lala bartilmaameedsaday gaari uu lahaa wasiirka Arrimaha gudaha oo xilligaasi waday wafdi qadar ka socday.
Inta la xaqiijiyay qaraxaani waxaa ku dhigtay 8-ruux 20-kalana dhawacyo ayaa ka soo gaaray.
SDN-Muqdisho
