Uncategorized

Daryeel li’ida Gurigii lagaga dhawaaqay madax banaanida Somaliland iyo Xuska May (DAAWO)

Burco 06.May (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje ayaa  Sheegay in Xuska 18ka May ay magaalada Burco uga qaban doonaan Si ka Weyn Sidii hore.

Gudoomiyuhu Waxa uu Tilmaamay in Magaalada Burco ay tahay Xuduntii Somaliland iyo hoygii lagaga dhawaaqay Dib ula soo noqoshada Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland Waxaanu ka dalbaday Hay’adaha Dawlada,Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Shacabka ku nool Gobolka Togdheer in iyagoo isku duuban ay Cod Midaysan uga qayb qaataan Xuska 18 May isla markaana ay Xil iska Saaraan ilaalinta Nabadgalyada .

Geesta Kale Gurigii 22 Sanno ka hor lagaga dhawaaqay Madax banaanida iyo Jiritaanka Qaranimada Somaliland ayaa ku Sugan Xaalad Burbur ah Maadama aanu Wakhtigaas dheer helid Wax dayactir ah,Waxaana Sawirada Muuqaalkan ku jira ka Mid ah Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo ka hadlaya ayaamihii uu Socday Shirkii ku dhawaaqida Madax banaanida Somaliland.

 

Burco SDN.

Qurbejoog.com