Uncategorized

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo Magacaabay Gudida Qaban qaabada Xuska 18 May

Ceerigaabo 06.May (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Muxumed Dacar ayaa maanta magacaabay Xubnaha Gudida Qaban Qaabada Xuska 18 may ee  Gobolka Sanaag.

Gudidan oo ka kooban Sagaal Xubnood isla markaana isugu jira Madaxda Hay’adaha Laamaha dawlada iyo Ururada Bulshada waxa Gudoomiye u ah Aniis Saalax Xaaji Xasan oo ah Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Muxumed Dacar waxa uu kula dardaarmay Xubnaha Gudidan inay sida ugu dhakhsiyaha badan u guda Galaan qaban qaabada Munaasibada Qaran ee 18 May waxaa kale oo  uu Gudoomiyuhu u soo jeediyay Shacabka ku dhaqan Gobolka Sanaag inay Si balaadhan uga qayb galaan dabaal dega 22 Guurada ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland isagoo intaas ku daray in Gobolada dalku ay ku jiraan tartan taas darteedna loo baahan yahay in Gobolka Sanaag uu kaalintiisa ka soo baxo.

Dhinaca kale Dhamaan Gobolada Somaliland ayaa Waxaa ka socda abaabul la xidhiidha Qaban Qaabada Xuska 18 May,Kaas oo Gaadhsiisan Ilaa Heer Degmo.

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com