Uncategorized

Gudida Doorashooyinka Punt land oo Mudeeyay Wakhtiga kama danbaysta ah ee Murashixiintu ku soo Gudbinayaan Araajidooda

Garowe 6.May  (SDN) Guddiga kumeel gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga ay ku egtahay soo gudbinta musharrixiinta ururada siyaasadda uga qayb geli doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee soo socda.

Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka Punt land  Prof. Maxamed Xasan Barre oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay xaruntooda magaalada Garoowe, ayaa ku dhawaaqay in 11-ka bishan socota ee May, ay tahay maalinta ugu danbeysa ee lasoo gudbin karo araajida Musharrixiinta Hanka Siyaasadeed leh,Waxaanu Yidhi  “Bisha socota ee May 11-keeda waxaa ku eg qabashada araajida musharrixiinta, dhamaan ururada siyaasadda ee daneynaya doorashada, waxan ku wargelinaynaa in ay arintaas fiiro gaar ah u yeeshaan,Isla markaana ay ka feejignaadaan inay Wakhtigaa Mid ka danbeeya ay Araajidooda keenaan,Taas oo aan la aqbalayn”

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in uu socdo dadaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa maxkamadda dastuuriga ah, taas  oo ay hore cabasho uga mujiiyeen qaar kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland “Waxaa madaxweynuhu nagu soo wargeliyey in gacanta lagu hayo sharcigii lagu dhisi lahaa maxkamadda dastuuriga ah, dhowaanna loo gudbin doono golaha xeer dejinta, waxaana qorshuhu yahay in maxkamadaas la dhiso doorashada ka hor” Waxaa Sidaa yidhi Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland

Doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah- oo xilliga la shaaciyey in ay qbasoomi doonto ay muddo koobani ka hadhsan tahay,ayaa hadana Waxaa Qaadacay Saddex kamid ah lixda urur-siyaasadeed ee ay guddiga doorashooyinku aqoonsan yihiin.

Ururada sheegay inaanay Ka qayb geli doonin Doorashadan ayaa kala ah, Midnimo, Udad iyo Horcad.

Si kastaba ha ahaatee Dadka rog roga Siyaasada Gobolka ayaa Tilmaamaya inaan lagu kalsoonaan Karin Natiijada Doorashada hadii aan la samayn Maxkamad Sare oo ka Madax banaan Dawlada Talada haysa isla markaana ka Garnaqi karta Tabashooyinka ka dhasha doorashadan oo noqon doonta Jid Cusub oo ay Punt land isku tijaabiso inay ka bixi karto iyo in kale.

Garoowe SDN.

Qurbejoog.com