Uncategorized

Doorashadii shalay ka dhacday wadanka malaysia iyo dhawaaqa mucaaridka

Kuala Lunbur May 07,2013(SDN)-Waxaay ahayd maalin axad ah oo bishu tahay 05-05-2013  abaaro 8.00 subaxnimo markii dadka wadanka Malaysia aay u dareereen codbixinta.

Taasoo aay ku tartamayeen ama ugu cuslaayeen labada xisbi ee uu mid Hogaamiyo PM(Prime minister) Najiib Razaak,oo ah raisal wasaaraha haatan, iyo NInka,sida weyn ula loolama ee wadankan malaysia caanka ka ah waa Anwar Ibraahime,oo isagu ahaa ilaa 1991 kii qofka keliya ee sida cad mucaardika iyo tartanka ugula jirey,ninka loo yaqaano Aaabaha Malaysia( Waa prime minister kii hore Mahathir Mohamed ) oo xidhay ninkan muddo sagaal sanno ah…isla markaana dabino iyo shirqoolo siyaasadeed u daadiyey.

Ugu danbayn doorashadii ka horaysay tan ee 2008…..Mr Anwar Ibraahiim waa hogaamiyaha mucaaridka e waxuu sameeyey olole cad oo baqdin geliyey xisbiga talada wadanka haya.

Iyaga oo taa ka baqay waxaa loosoo maleegay si looga takhaluso..waxaana la yidhi waxaad kufsatay Nin( taasoo uu ku mutaystay bilaa maxkamad 6 years in ka badan) taasoo loo arkayey karaamo dil iyo in la iska xidho….Hadaba inyar intaaynaan ugudo gelin doorashada hadeer aan inyar is dultaagno……maxaa ninkan xukumadu uga baqaysaa.

Dr Anwar Ibraahim(Hogaamiyaha mucaaridka) Waa nin aqoonyahan ah; inta la ogyahayna gaadhay heerka ugu saraysa P.h.d …Waa nin soo noqday wasiirka maaliyada ee wadankani malaysia..waagii mahathir( Ra isul wasaarihii hore).

Waa nin la yidhaahdo waa ninka dhidibada u taagay dhaqaalaha Malaysia, oo gaadhsiisay xad aad u heersareeya; waa nin jaamacadaha ugu waaweyn wadankani Malaysia soo aasaasay soona hogaamiyey; waa nin aftahan ah oo lagu xanto inuu huud iyo nacab ku qabo qaabka loola hadlo saxaafada,dadweynaha(Public speaking)iyo aduunkaba.

Intaa aaynu soo sheegnay oo dhan iyo qaar kale oo aaynaan soo koobi karin waxaaynu odhan karnaa waa sababta aay uga baqa qabaan Dr Anwar Ibraahiim; dhanka kale waa nin u janjeedha xagga Diinta Islaamka oo u ololeeya in diinta islaamka lagu xukumo wadanka malaysia;taasoo aay ka walaacsan yihiin qoomiyadaha kale ee aan islaamka ah sida Chinese-ka,Tamil-ka (Hindi madow weeye).

AAN U NIMAADO DOORASHADA HADDA DHACDAY IYO SIDA LOO KALA HOREEYEY;

Doorashadii shalay dhacday ayaa la odhan karaa aad ayaa la isugu dhowaa saadaal ahaan, Daraasad la sameeyey oo aay samaysay jaamacada ugu weyn wadanka malaysia doorashada ka hor( waa jaamacada UM ama University of malaya) ayaa sheegtay in uu 43% helay hogaaamiya mucaaridka ahi(Anwar) halka uu Najib Razak( Waa prime minister-ka hadda e ) helay 33%.

Inkasta oo dawladu ku gacan saydhay kuna sheegtay wax cid gaar ahi wadatey.

dhanka kale markaad la sheekaysato dadka wadanka u dhashay ee local ka ah ayaa kuu sheegaya in sanadka si aad ah la isugu dhowyahay,

AAN HADANA EEGNO DHANKA TAAGEERADA IYO MID WALIBA HALKUU KU LEEYAHAY;

Hordhac kooban;

Wadanka malaysia inagoo og in qoomiyado kala duwani degaan oo kala ah 3; Malayga,Tamilka,Chines-ka …waxaa 60% malay-ga oo ah dad islaam ah….diintana jecel….halka inta kale aay yihiin qoowmiyadaaha kale ee aan soo sheegnay…hadaba ninka haatan hogaamiya wadanka waxuu sanadkii hore ololeha ku galay in uu midaynayo malaysia oo hal mid shacabkeeda ka dhigayo.

Inaga oo og in wadanka malaysia aay maamulkeeda ilaa minjaheeda haystaan malayga : sidaas darteed si uu usoo dhowatso taageerada kuwa kale waxuu ku dhawaaqay waxuu ugu yeedhay One malaysia(Satu Malaysia, ama hal malaysia).

Taasoo dadkii asal ahaan lahaa wadankan ee malayga ahaa ka cadhaysiisay..isla markaana dhanka kale farxad gelisay dadkii kale ee la deganaa.

Taasi waa sababta uu kalsoonida ugu weyn u lumiyey xisbigan talada hayaa,dhanka kalena kalsoonida ugu weyn siisay ninka mucaaridka hogaamiya ee Dr Anwar Ibrahiim.

Guntii iyo gebo-gebaddii;

Waxa la sugaaba waa natiijada iyo waxa kasoo baxa,

By; Cali Awciise Aw Axmed (Cali Maslax)

Kuala lunpur, Malaysia