Uncategorized

Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansixiyay Xeerka Qareenada Somaliland

Hargaysa 07.May (SDN) Golaha Wakiilada ee JSL ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey G/xigeenka koowaad ee Golahaasi Md Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaashu waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Xeerka Qareenada Somaliland Xeer NO 30/2011.

 

Fadhiga manta oo ay soo xaadireen 45 mudane waxaa ansixinta xeerkaasi ogolaaday 35 Xildhibaan, waxaa diiday hal mudane waxaana ka aamusay sideed xildhibaan gudoomiyuhuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay xeerka Qareenada Somaliland iyadoo xeerkani si rasmi ah u dhaqan geli doono marka uu saxeexo Madaxweynaha JSL.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhi dambe u ballamay maalinta Sabtida ah ee soo beegan iyagoo sii guda geli doona hawlahooda shaqo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com