|

”Abti-nimo Cod ha ku bixinina reer Sallaxloow, Inankaad Abtiga u Ahaydeen Maalmihii Dagaalka ee aanu Aniga iyo Isaguba ku fiicnayn way soo Dhammaadeen”…. Xamarje

Hargaysa 28.May 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabkii Hore ee Gobollada Maroodi Jeex iyo Togdheer Mujaahid Axmed CXumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje ayaa sheegay in shacabka reer Sallaxley looga baahan yahay in aanay maanta cidina ku beer laxawsan Abtinimo balse, dhammaan shacabka reer Somaliland Ab iyo Isir iyo hayb qudha wada yahay balse la isku dooran doono dagaalka Maanta Somaliland ku jirto oo ah yaa inna gaadhsiin kara Ictiraaf caalami ah oo adduunka inna barri kara balse ay soo dhammaadeen maalmihii uu ku fiicnaa Inanka ay Abtiga u yihiin isaga oo Mujaahid Xamarje u duur xulayay hadalkaasi Guddoomiyaha iyo Musharraxa xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

dfghAxmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) waxa uu sidan ka yidhi khudbad uu shalay u jeediyey Shacabka reer Sallaxley isaga oo ka mid ahaa waftigii xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee uu hogaaminayay Guddoomiye Cirro.

 

Mujaahid Xamarje waxa uu sheegay in isaga iyo rag badan oo kale oo uu ka mid yahay Muuse Biixi maalmihii ay ku wanaagsanaayeen soo dhammaatay balse maanta Somaliland u baahan tahay dagaal kale isaga oo farta ku fiiqay in aanay reer Sallaxley waxba codkooda ku siin Abtinimo xisbiga KULMIYE.

Xamarje oo reer Sallaxley la hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaynu Nahay Hilbo wada dhashay iyo Hayb Qudha ayaynu nahay. Waxba ma kala lihin. Abtinimada cod haku bixinina. Reer Sallaxlow gaarbaan idiinka hadlayaa, waxba yaan Abtinimo la idiinku beer Laxawsan. Reer Sallaxlow gaarban idiinla hadlayaa. Abtinimada, Cod ha ku Bixinina Reer Salaxleeyow, Nin walba meeriska nolosha meel-buu ku wanaagsan yahay Aniga waxa laga yaabaa maalmihii Dagaalka waan ku fiicnaa, Lixlaa kuu Ficnaa Maxamed Kaahin baa ku fiicnaa rag doora ku fiicnaa, maanta-se Dalkani dagaal kale ayuu ku jiraa waxa uu ubaahan yahay Waa Ictiraaf Maanta Cid caalamka ina Barta ayaynu U baahnahay U malayn maayo ninka Cabdiraxmaan Cirro La Tartamayaa in Uu ahaan Doono Nin ictiraaf keena laakiinse maalintii uu Ku Fiicnaa inankaa abtiga u Ahaydeen wuu Soo dhamaystay. Waxa aynu u baahanahay cid caalamka inna barta. U malayn maayo ninka Cabdiraxmaan La Tartamayaa (Muuse) in uu yahay kii Ictiraaf dalkan gaadhsiin lahaa. Laakiin maalintii uu ku fiicnaa inankii aad abtiga u haydeen wuu soo dhammaystay. ” Axmed Xamarje

Comments are closed