|

Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Xabsi Muddo Dheer Ah Lagu Xukumay

Hargeysa, 11,4, 2016 (QJ/SDN) – Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ayay ciidamada Somaliland xabsiga dhigeen dabayaaqadii sanadkii hore kaasi oo illaa hadda xabsiga ku jira.

gamadiid

 Warar hoose oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in abwaanka la xukumay iyadoo lagu xukumay xabsi muddo dheer ah.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn mudada xabsiga ah ee lagu xukumay maadaama aan saxaafadda la ogaysiin dacwadda iyo xukunka abwaankaba haddana wararka hoose oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in abwaanka muddo dhowr sanno ah lagu xukumay.

Sidoo kale, Ilo xog-ogaal ah ayaa noo sheegay in abwaan Gamadiid kiiska lagu soo eedayay uu ahaa in uu ka tirsanyahay ururka ISIS ama DAACISH , iyadoo tusaale loo soo qaatay gabaygii uu ka tiriyay weerarkii Paris ee dadka badani ku dhinteen.

Gamadiid ayaa ah abwaan mayal adag isla markaana dhiirran isagoona suugaantiisa inta badan ku taageera dhaq-dhaqaaqyada islaamiyiintu ka wadaan dunida.

Si kastaba ha ahaatee, lama garan karo illaa hadda sababta xukunka abwaanka loo qariyay.

 

Comments are closed