|

Nin Ka Tirsanaan Jiray Xarakada Al Shabaab oo Habeenkii Xalay Lagu Dilay Magaaladda Laascaanood

Laascaanood 11.April 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in fiidnimadii xalay dablay huubaysani ay dileen nin lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Axmed (Carabeey) oo hore uga tirsanaa ururka al Shabaab ee ka dagaalama meelo ka mid ah Soomaaliya.
9130970E-CB7A-4AFD-95BE-0FE91B630404_w640_r1_sDablay hubaysan ayaa dhowr xabo oo rasaas ah kaga dhufatay madaxa xilli uu sii galayey masaajid ka yaalla magaalada Laascaanood, sida ay dadka magaaladu noo Xaqiijiyeen.
Marxuun C/laahi Maxamed Axmed (Carabeey) oo ayaa la sheegay in hadda ka hor laga soo qabtay deegaanka Xidhxidh ee gobolka Sool.
Waxaa wararku ay sheegayaan inuu muddo ku xidhnaa magaalada Hargeysa balse markii dambe cafis loo fidiyay.
Soo deyntiisa kadib waxaa uu deganaa magalaad Laascaanood halkaasi oo xalay lagu toogtay.
Ma jirto cid sheeegtay mas’uuliyadda dilkan.

Comments are closed