|

Afhayeenka Ururka Alshabaab Oo ka Hadlay sida ay Al Shabaab ula dhaqmayaan Dowlada Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho 28. February 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ( Cali Dheere) ayaa markii ugu horeesay ka hadlay isbadalka dalka ka dhacay gaar ahaan doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Magacaabista R/Wasaaraha cusub.

 

Fariin Maqal ah uu soo diray Afhayeenka Al Shabaab ayuu uga hadlay isbadalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay gaar ahaan Doorashadii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

 

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan waxbo kaga duwaneyn dowladihii ka horeeyay ayna ula dagaalami doonaan sidii ay ula dagaaleen Dowladihii ka horeeyay tan cudsub.

 

”Waxaan u sheegeynaa kooxda murtadiinta ah ee uu Farmaajo calanka u sida in aad mari doontaa wadadii ay mareen kuwii idinka horeeyey. Laba arin midkood ayaadna noqon doontaan Insha’Allaah. Mida koowaad oo ah in aad ku baxdaan gacanta Muslimiinta iyo mida labaad oo ah in ay gaaladu idinka badal qaadato idiinkoo duleysan sida kuwii idinka horeeyey oo kale. Mab da’a gaalada kama hirgelin doontaan dhulkan ay Muslimiintu ku nool yihiin” Ayuu yiri Cali Dheere.

 

Waxa uu sheegay in ay sii xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Dowlada Soomaaliya ee taageerayana dowladaha shisheeye, waxa uuna tilmamaay in dowladaha shisheeye ee taageeraya Dowlada Soomaaliya dalka ka bixi doonaan iyaga oo dhinac walba ka qasaaray.

 

“Gaalada kuwaan soo dirsatayna waxaan ku leenahay: Ama Cabdullaahi keena, ama Shariif keena, ama Xasan Keena, ama Farmaajo Keena, ama Faarax ama Jaamac. Waxba nooma kala duwana, Ujeedka dagaalkeenana kuma xirna Shaqsiyaat ee waxay ku xiran tahay mabaa’dii. Dalkana waad isaga bixi doontaa idinkoo duleysan, kuna qasaaray wixii naf iyo maal ahaa ee aad bixiseen, Waxaana u hari doona dadkii lahaa, Diinta Allaah ayaana lagu maamuli doonaa Insha’Allaah ama jeclaada ama naca” Ayuu yiri Afhayeenka Al Shabaab.

 

Sheekh Cali Dheere oo ayaa fariinta uu soo diray kula hadlay shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna uga digay la shaqeynta Dowlada cudsub uu Farmaajo hogaamiyo, waxa uuna tilmaamay in shacabka muhiim tahay in ay ogaadaan in dowladan waxbo ka duwaneyn dowladihii hore.

 

 

“Ha ku sirmina dhagarta gaalada iyo gaala raacyada, waxay rabaan in ay Allaah idiinka fogeeyaan, Ibliisna idinku xiraan. Hadaad cizzi iyo sharaf rabtaan ku dhaga Islaamnimada, kana fogaada wax waliba oo Muslimnimadiina shaki gelinaya sida in aad ka qeyb qaadataan dhismaha nidaamyada Ridada ee cadowga u adeegaya xitaa haddii madax looga dhigo kuwa aad isku heyb iyo isku qabiilba tihiin sababtoo ah kuwa diinta ka baxay ee gaalada u adeegaya qaraabanimadii wuu ka baxay” ayuu markale yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in hadalada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ee ku aadan in dalka laga saarayo ciidamada Shisheeye ay yihiin sida uu tilmaamay kuwa been oo dadka lagu beer laxowsanayo .

 

“Ha ku kadsoomina hadalada beenta ah iyo beerjilicsiga ah ee Farmaajo iyo kooxdiisa. Waxba isma dhaamaan kuwa dabadhilifyada ah maxaa yeelay danta gaaladu waa hal mid muhiim-na ma ahan in shaqaaluhu Farmaajo noqdo ama Xasan noqdo. Danta gaaladuna waa dhibaateynta Muslimiinta. Gaalada waan saarayaa uu idinku beerlaxowsanayo soo ma ahan kuwii dharaar cad isagoo Ra’isul Wazaare sheeganaayo dalka ka saaray?! Maxaa u soo kordhay marka? Soo iyaga ma ahan kuwa uu leeyahay waa walaalaheen ha inoo joogaan”

 

Fariintan maqalka ah uu soo diray Afhayeenka Guud ee Al Shabaab ayaa noqoneysa fariintii ugu horeesay oo rasmi ah oo kasoo baxda Al Shabaab tan iyo markii uu dalku isbadal ka dhacay lana doortay Madaxweyne cusub .

Comments are closed