|

Xildhibaan Shacabka uga Digay Dawooyin & Cuntooyin Dhacay oo Hargeysa Buuxiyey & Dhaqanka Tagaasida DAAWO

Hargaysa 28. February 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan-Shahar) oo ka mid ah Xildhibaanna Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa Ganacsatada, Dhakhaatiirta iyo Tagsiilayaasha Hargeysa ugu baaqay inay Dadka iyo Bad-qabka Bulshada-ba ilaaliyaan, waxaanu sheegay inay Dawlad hoose ahaan ogaadeen dhibaatooyin badan oo ay qaybaha Bulshada ku hayaan Dhakhaatiirta, Ganacsatada iyo Tagsiilayaashu.

Xildhibaan Xasan-Shahar oo Warbaahinta qaarkeed kula hadlay xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa uu sheegay inay Raashin wakhtigiisu dhacay, Dawooyin dhacay, Sharaab dhacay, Biyo dhacay iyo Badeecado badan oo kale oo dhammaantood wakhtigoodu dhaceen Dadka ka iibiyaan Ganacsatada iyo Dhakhaatiirtu, isla markaana ay sababaan Cudurrada tirada beelay ee Dadka Somaliland maalin kasta u dhimanayaan, waxaanu ugu baaqay inay Magacyadooda shaacin doonaan haddii aanay Dadka dhibtaas abuuraa si dhaqso ah u joojin. Waxaanu Shacabka ugu baaqay inay iska hubsadaan taariikhda wax kasta oo ay iibsanayaan Dawo iyo Cuntoba.

Sidoo kale, waxa uu Xildhibaanku Tagsiilayaasha Hargeysa ku eedeeyey inay dhibaato gaar ah qaarkood ku hayaan Haweenka oo ay ku tacaddiyaan, qaarkoodna afduubaan intay Irbadda Dadka lagu suuxiyo ku mudaan, isaga oo sheegay inay ku soo rogeen amarro lagu sugayo Ammaanka Dadka Caasimadda ku nool iyo nabadgelyada guud ee Qaranka, isla markaana ay diiwaangelinayaan Tagaasida, Lambarro waawayna ku xidhi doonaan; si si fudud loogu ogaan karo Tagsi kasta oo dhibaato cid u geysta.

Comments are closed