|

Agaasimaha Diinta Iyo Aw-qaafta Somaliland Oo Qirtay Khamri Gaadhigiisa Lagu Qabtay

Hargeysa, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Agaasimaha wasaaradda diinta iyo aw-qaafta ee Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali ayaa ka war bixiyey qaabka ay u dhacday gaadhi uu lahaa oo boolisku ku qabteen hal kartoon oo khamri ah iyo Wargeyska Warsugan oo uu uga waramay qaabka ay arrintaasi u dhacday.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa sheegay in arrintaasi tahay mid jirta, isla markaana uu gaadhigiisu shirkad gaar ah u kiraysanaa mudo sanad iyo badh ku dhawaad ah. Agaasimaha oo aanu ugu horayn wax ka waydiinay dhacdadaas ayaa yidhi.

“Qolo shirkadda ayuu gaadhigu u shaqeeyaa, wax xumaana oo hore aanu ku ogayna may jirin mudo dheer oo sanad iyo badha ayuu kiraysnaa oo uu shirkad u kiraysanaa, markaa habeen dhawayd ayey arrintaasi dhacday ana waxaan idhi gaadhiga iyo ninkaba talaabo sharciya ka qaada oo xidha”

Wadaha baabuurka iyo gaadhigii ayaa haatan xidhan, waxaanu agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu intaas ku daray inay tahay wax ka madax banaan dhacdada ka dhex dhacday gaadhigiisa, isaga oo agaasimuhu sheegay in aanu masuul ka ahayn falka lagu qabtay wadaha baabuurka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa siyaabo kala duwan falkan uga hadlay, iyagoo wajiyo badan u yeelay,waxaana uu agaasimahu ku andacooday inuu gaadhigiisu kiraysnaa,waxaana agaasimaha ay ku noqotay shaanbad boog madow kaga tagaysa tariikhdiisa madaama oo gaadhigiisa lagu qabtay khamri isaguna yahay agaasimaha diinta iyo aw qaafta somaliland.

Dhacdadan ugubka ah ee agaasimaha diinta iyo aw Qaafta somaliland edeeda iska leexanayo ayaa u muuqata mid aan indho sarcaad la galin karin,madaama oo uu afkiisa ka qirtay inuu ahaa gaadhigiisii.balse waxa uu miciin biday inuu muwaadinkii gaadhiga waday ediisa dusha u saaro.

Comments are closed