Hargaysa 09. October 2017 (SDN/QJ):- Agaasimaha maamulka iyo lacagta u qaabilsan komishanka xakamaynta AIDS-ka ayaa jawaab ka bixiyay qaraar isaga ku saabsan oo ay soo saareen guddiga anshaxa ee komishanka Qaranka Somaliland.
Agaasime Cabdi Kariin Xinif Waxa uu ku dooday in aanu Isaga iyo Madaxda la midka ah qabanayn Sharcigan ka maanacaya Shaqaalaha dawladu inay ka qayb galaan Ololayaasha Xisbiyadda.
