Hargaysa 09. October 2017 (SDN/QJ):- Prof Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ka dareen celiyey hadal amaan ah oo Prof Axmed Ismaaciil Samatar ku bidhaamiyey waxyaabaha uu ku doortay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.
‘’Prof. Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu ilawsan yahay, in Xiligii SNM Muuse Biixi Xeradii Halganka ku dhex xidhnaa oo Saraakiishi SNM u xidheen Shirqoolkii iyo Jid gooyadii Muuse u galay Gudoomiyihii SNM Madaxweynaha Maanta Axmed Siilaayo, taasoo Muuse ku mutaysan gaadhay dil toogasho in SNM dhexdeeda lagu xukumo’’ ayuu Yidhi Prof Buubaa.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu mar kale Yidhi ‘’Siddoo kale Prof. Samatar malaha taariikhda ayaannu hayne waxa kale oo uu ilawsan yahay 36kii Saacadood ee Muuse Biixi ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliland Xukuumadii Cigaal innuu ahaa Masuulkii Dagaalkii sokeeye dalka ka riday.
Prof. Samatar Muuse amaan ayuu islahaaye laakiin wuxuu ku shiday dab aan Muuse Biixi xiligan Ololaha aan loo baahnayn in lagu kiciyo.
Siddaa waxaa yidhi Prof. Ismaaciil Hure Buubaa.
Labada prof. Buuba iyo Samatar ayaa hore u taabacsanaa midnimadii lagu hungoobay haatanse ku foogan dhismaha Somaliland kala duwanaanshahooda fikir ee dhinaca siyaasadana waxaa labada aqoonyahan ku kala biireen Xisbiyada baratanka xoogani ka dhexeeyo ee Waddani iyo Kulmiye. dhinaca halgankii SNM’na waa ay ku kala duwanaayeen oo halka Prof. Samatar aannu ka qayb gelin halgankaasi prof. Buubaa waxa uu kamid ahaa Xubnihii sar sare ee SNM.
