|

Akhriso: Magacyada xubnaha aqalka sare ee ku soo baxay doorashadii ka dhacday Muqdisho

Muqdisho 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Doorashadii xubnaha aqalka sare ee ka soo jeeda gobolada woqooyi ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Illaa 16 musharax ayaa ka qeyb qaatay doorashadii maanta, kuwaasoo ku tartamay illaa lix kursi oo ka tirsan 11-ka kursi oo xubnaha aqalka sare ee gobolada woqooyi loo qoondeeyey.

Waxaa tartankaas ku soo baxay illaa lix xildhibaan oo calfaday kuraastan kuwaasoo ka adkaaday musharaxiintii kale ee tartamayey, waxayna kala yihiin magacyadooda.

1-Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
2-Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac.
3-Xildhibaan Mustaf Maxamed Qodax.
4-Xildhibaan Muna Cumar xasan.
5-Cabdikariin Maxamed Xasan
6-Cabdirisaaq Axmed Cali.

Shan kursi oo kale oo ay ku tartamayaan xubnaha ka soo jeeda gobalada woqooyi waxaana lagu wadaa doorashadaasi inay dhacdo maalinta beri ah oo oo Isniin ah.

Comments are closed