|

Ummadda Somaliland oo Ka Walaacsan eedaymo Dharaarihii la soo dhaafay ay is weydaarsadeen Murashixiinta Madaxweyne ee Kulmiye Iyo Waddani & Qodqodka Nabaro in la Baanto la rabo DAAWO

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Jamhuuriyadda Somaliland Laga soo Bilaabo Dabayaaqadii Sannadkii 2002dii Waxaa ilaa iyo hada waxaa ka soo qabsoomay Laba Doorasho Deegaan,Laba Doorasho Madaxtooyo iyo Hal doorasho Gole Wakiilo oo ah Kuwa Hada Jooga.

Shantaas Doorasho waxaa Qabsoomidooda Ku Kala Suntan Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo qabtay 4 Doorasho iyo Hal doorasho oo uu qabtay Madaxweynaha haatan ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaaanyo.
Doorashooyinku Waxay Keenaan Furfur ku yimaada Bulshada Waxaana Qayb weyn ka Ciyaara Adeegsiga qabyaalada oo aan la darifi Karin inay Cirka Isku Shareertay Isla markaana ay Xadhkaha Iyo Dabarkaba Goostay Mudadii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Xilka haysay.

Comments are closed