|

Al Shabaab oo hurineysa dagaalo beeleedyo

Muqdisho October 29, 2023 (QJ) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay kooxda Al-Shabaab in ay hurineyso dagaalo beeleedyada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka.

  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhaqaale badan ku bixiyaan hurinta dagaal beeleedyada ka dhaca deegaanada ay maamulaan. Waxa uu tilmaamay in kooxahaasi ay ka faa’iideysanayaan colaadahaasi maadaama ay u adeegsadaan in ay ka mashquuliyaan dagaalada ka dhanka ah.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan colaadda ay Al-Shabaab ku doonayaan in ay ku dhex huriyaan beelaha walaalaha ah.
“Al-Shabaab waxa ay dajiyeen qorshayaal ay ku doonayaan in ay lacago ugu bixiyaan beelahan, sida horay loogu ballamay, si ay colaadaha dhexdooda uga dhex huriyaan, waxa ay uga gol leeyihiin in colaadda ay sii socoto.” Ayuu yiri Wasiirka Difaacu.

Hadalka Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa imaanaya xilli deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe uu ka dhacay dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur.

Comments are closed