|

Al Shabaab oo lagu eedeeyay in ay khalkhal gelineyso amaanka dalka Congo

Kinshasa July 08,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab aya lgu eedeeyay in ay gacan siineyso jebhad ka dhisan dalka Ugaandha si khalkhal loo geliyo dalka Congo.

Afhayeenka dawlada Congo Lambert Mende ayaa sheegay in Shababaku gacan siinayaan jabhada ADF-NALU si ay gacanta ugu dhigaan gobolka Woqooyiga Kivu ee dalka Congo.

Jabhada ADF-NALU ayaa afhayeenku sheegay in ay hore afduubyo iyo fal danbiyeedyo kale halkaa uga fuliyeen.

Afhayeenka dawlada Congo ayaa sheegay in xukuumadu ay heyso cadeemaha in Shabaab gacan siineyso jabhada,waxaanu sheegay in ay dawladu qaadi doonto tilaabooyin ay ku baabin doonto wada shaqeyntan.

Madaxda dalalka Africa ayaa hore iskula qaatay in amaan laga dhaliyo Bariga dalka Congo.

SDN-Kinshasa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed