|

Wariye lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo July 08,2013(SDN)-Waxa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu toogtay weriye ka hawgalayay TVga cusub ee Kalsan.

Weriye Liibaan Cabdulaahi Faarax ayaa ah weriyihii 5aad ee lagu dilo Soomaaliya sanadkan.

Liban Qaran ayaa la weeraray kiyoo aqalkiisa ku sii socda degaan u dhexeeyay maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

“Aad baanu uga murugeysan nahay dilka loo geystay Liibaan Qaran,afar nin oo hubeysan ayaa rasaas ku furay oo dilay”sidaa waxa yiri Cabdiqadir Axmed oo la shaqeeya Liibaan.

Maxamed Geele oo ku sugnaa goobta dilku ka dhacay isla markaana arkayay ayaa sheegay in marxuumku ku geeriyooday isla goobta.

“Waxa ay Liibaan Qaran rasaasta uga fureen qeybaha sare ee jirkiisa,deetana goobta ayay ka yaaceen” ayuu yiri Maxamed Geele.

Weriyeyaasha Soomaaliya ayaa dilkooda inta badan dusha loo saaraa Al Shabaab iyo dhinacyada isku haya siyaasadaha Soomaaliya.

SDN-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed