|

AlShabaab oo weli ka dhex dagaalamaya hotel u dhow Villa Somalia

Muqdisho. 28 November, 2022. (QJ)- Koox ka tirsan alShabaab ayaa weli ak dehx dagaalamaya hoteelka Villa Rosa ee magaalada Muqdisho kaas oo wax yar u jira Villa Somalia, isla markaana ku yaala meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Weerarka ayaa su’aalo badan dhaliyay iyadoo aan la ogayn sida baaburuka qaraxa laga soo buuxiyay uu usoo dhaafay jidka aadka loo iaaliyo ee madaxtooyada Soomaaliya.

Saacaddii 17-aad ayuu galay weerarku waxaana jira dagaalamayaal alShabaab ah oo ku dhex jira hoteelka iyadoo ciidamada amaanka Soomaaliya ay ku guul draysteen in ay ka saaraan kooxdan hotelka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta shir kaga qayb galay madaarka Muqdisho iaydoo madaxtooyada meel wax yar u jirta ay rasaastu kaa dhacayso, kamana hadal weerarka iyo sida ay dawladiisu u aragto ama ay ka odhanayso.

Comments are closed