|

FIFA World Cup 2022 iyo kooxaha Africa

Doha November 28, 2022 (SD) – Koobka kubeda cagta ee dunida ee sanadkan ka socda dalka Qatar ayaa waxa ciyaaro xiiso badani manta dhexmartay dalalka Ghana iyo Korea.

Ghana oo ku hormartay 2-0 ayaa la barbareeyay daqiiqadihii u danbeeyay, kooxda African stars ee Ghana ayaase gool sadexaad oo ay dhaliyeen guushii ku raacday, Halka Cameroon ayaa wejahday kooxda Serbia, ciyaartan oo barbaro 3 iyo 3 aheyd ku dhamaatay ayaa waxa ay kooxda Cameroon muujisay ciyaar wanaag aaney soo bandhigin kulamadii hore ee tartankan.

Kooxaha Africa ku metelaya ciyaaraha FIFA 2022 ayaa maalmihii u danbeeyay muujiyay in ay la jaanqaadikaraan kooxaha latin America iyo kuwa reer yurub ee iyagu marwalba ku guuleysta.

 

Comments are closed