|

‘’Aniga Hadii la I Yidhaa Xannuunka Kuugu darani Waa Maxay,Waxaan Odhan lahaa Musuqa oo Xalaal Inoo Noqday,Nin Kasta iyo Gabadh Kasta oo Jaamacad Ka Soo Baxay Wadnihiisa Ma Galaayo Shaqo Tag Waxaynu Noqonay Jidh Mayd Ah Oo Dhar Uun Xidhan’’ Gudoomiye Muuse Biixi

Hargaysa 25. June 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ahna murashaxa jagada madaxweyneha ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Ayaa ka hadlay  qoddobada salka u ah Barnaamuj Siyaasadeedka xisbiga KULMIYE ee muddo-xileedka labaad uu ku galayo tartanka doorashada madaxweynaha, kuwaas oo uu sheegay inay  awooda saarayaan ladagaalanka Musuqa.

Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey Shirkii falanqaynta barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE u diyaariyey inuu ku galo doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 13-ka bisha November kaasi oo muddo laba habeen ah oo uu magaallada Hargeysa ka socday  ay gunaanadkiisa  kasoo qaybgaleen aqoonyahanka jaamacadaha dalka qaarkood, waxaa uu  Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE  musuqa ku  tilmaamay inuu yahay xannuun la xalaashaday oo sabab u noqday dhammaan dhibaatooyinka kala duwan eek a jira dalka Somaliland.

Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Aniga marka la i yidhaa xannuunka ka kuugu darani waa maxay? Anigu waxaan odhan lahaa waa musuqa oo xalaal inoo noqday, qabyaaladdana musuqaa wada, shaqo la’aanta musuqaa wada, is nacaybka aynu is wada karaahiyeysanayno musuqa ayaa wada, musuquna wuxuu ka bilaabmaa ka waqtiga, musuqa hantida, ka shaqada, musuqa ballanta, haddii aan lagu dhiirranin oo aan col loo helin ka hortaga ninkaa odayga ah (musuqa) oo ka daacad ah oo sibirta is gashada weligeen ka gudbimayno waxaynu ku jirno.”

Sidaas ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaa ku daray “Maanta nin kasta iyo gabadh kasta oo 30 jir jaamacad ka soo baxay ahi wadnihiisa ma galaayo shaqo tag, waayo adeerkii/adeerkeed maaha Guurti, xaaji la yaqaano, suldaan, wasiir iyo masuul kale kadibna marka horeba qalbi ahaan ayaanay meesha u tagayn, halkaas ayey ka bilaabtay, xataa marka uu ardayga yahay ayuu is odhanayaa maxaad ka dadaalaysaa, markaa gaadho waxaynu nahay jidh mayd ah oo dhar uun xidhan,” ayuu yidhi.

 

Guddoomiyuhu waxa uu ka dalbaday aqoonyahanka iyo dhallinyarada inay ku garab-istaagaan la-dagaallanka musuqmaasuqa oo iyada lafteedu dhibaato noqotay, taas oo haddaan lagu dhiirran aan waxba laga qaban doonin dhibaatada weligeed, waxaannu yidhi, “Marka musuqu dhacana haddii iminka la soo xidho wiil ama gabadh musuq galay waxa la odhanayaa dadkuba waa wada musuqmaasuqe maxaa isaga/iyada loo sheeganayaa, horta haddaan cid uun laga bilaabin sow bahalkii iska soconmaayo, anigana iga bilaaboo, sow mar uun in la dhiirrado maaha, si tartiib-tartiib ahba ha loo bilaabo dheh oo marka hore ha la iska waaniyo, ha la isla qaato inuu yahay ka inoogu daran.

 

Haddaynu KULMIYE nahay oo aynu barmaamijkii ka wadahadlayno oo aynu berri isku codaynayno anigu waxaan leeyahay haddii aad anigana igu khasabtaan oo col xoog leh oo bahalka (musuqa) la dagaallamaya oo hareerta iga jooga oo leh adiguna ka joog dadkana qabo oo ka hortag oo aydaan odhan bahalka qabo annaga ayaa ku barbartaagane hadhow anigana waa la caayi uun waxna inoo hagaagimaayaan.

 

“Markaa waxaan idin leeyahay markaad eegaysaan qodobka dawlad-wanaagga ee barmaamijka xisbiga ku rakaadiya oo hay’adaha dawlad-wanaagga ee xukuumadda hore bilowday ee hawshoodu bilowga ku tahay, waayo waa laga adagyahay yahay hay’adaha Dawlad-wanaagga iyo Hanti-dhawrka oo dadkii baa ka soo horjeeda oo ummad dhan baa sidaa ku dan ah, waynu is xamanaynaa uun oo waynu calaalaynaa uun, anigu waxaan leeyahay taa ha loo badheedho oo ha noqoto wax la is gaadhsiiyo in dagaalka la galo,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Comments are closed