|

‘’Aniguba saaxiibkay Xirsi beri buu dadka ugu dheeraa, Cali-marreexaan kaa wuu ka dheeraa, Maxamuud Xaashi wuu ka dheeraa,Laakiin..’’ Wasiir Cukuse DAAWO

Hargaysa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in baaxadda taageerayaasha iyo xildhibaanada ku soo biiray xisbiga KULMIYE muujinayso inay soo dhawaatay guushii xisbigu, isaga oo erayo siyaasadeed ka daba tuuray wasiirkii hore ee ee Madaxtooyada oo ay wakhti siyaasadda isku jaal ku ahaan, “Waxaan is leeyahay guusha KULMIYE shaki kuma jiro ninkii shaki ku jirowna aniga uun i eeg shakigu hakaa baxee, aniguba saaxiibkay Xirsi beri buu dadka ugu dheeraa, Cali-marreexaan kaa wuu ka dheeraa, Maxamuud Xaashi wuu ka dheeraa, laakiin markaanu dibadda nimi baan arkay inuu qof caadi ah yahay,”

Comments are closed