|

Aqalka Cad oo loo diiday in ay soo galaan Qaar kamid ah Warbaahinta Dunida ugu caansan

Washington 25. February 2017 (SDN/QJ):-Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa bilaabay cadaadis ka dhan ah qaar kamid ah Warbaahinta ugu afka dheer dalka Mareykanka iyo kuwa caalamka, waxaana arintan walaac xoogan ka muujiyay aadna u cambaareeyay Ururada Saxaafada.

Qaar kamid ah Warbaahinada ugu waa weyn ee dalka Mareykanka iyo kuwa caalamka qaarkood ayaa shalay loo diiday in ay ka qeytb galaan soona tabiyaan shir saxaafadeed maalintii shalay ee Jimcada ka dhacay Aqalka cad ee Maraykanka.

Warbaahinada shalay loo diiday in ay galaan Aqalka cad waxaa kamid ahaa kuwa ugu afka dheer ee dalka Mareykanka sida CNN, New York Times, Los Angeles Times, Buzzfeed, Politico , waxaa sidoo kale Warbahainta caalamiga iyana loo diiday Aqalka Cad ku jira BBC.

Wakaalada Wararka caalamiga qaarkood iyo Warbaahino kale ayaa iyana si iskood ah uga baxay shir saxaafadeed ka dhacayay Aqalka cad, kuwaa oo ka careesnaa go’aanka qaar kamid ah Warbaahinta loogu diiday in ay kasoo qeyb galaan shir saxaafadeedkaasi.

Warbaahinada culeeska uu saaray Maamulka Madaxweyne Trump ayaa horey usoo bandhigay warbixino sir ah uu aad u dhibsaday Madaxweynaha dalka Mareykanka, waxa uuna Madaxweyne Trump marar badan Warbaahinta qaarkood ku tilmaamay kuwa isaga cadow ku ah.

Comments are closed