|

Puntland Oo Somaliland U Soo Gacan-gelisay Saddex Nin Oo Ku Eedeysan Inay Meherad Ku Taalla Boorama Kala Baxsadeen Kumanaan Dollarka Maraykanka Ah

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Ciidammada ammaanka ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa Shalay Ciidammada Ammaanka ee Gobolka Sool ee Somaliland ku soo wareejiyey Saddex Nin oo Maxaabiis ah.

Saddexdan Nin ee Maxaabiista ah oo laga soo qabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ayaa waxa Tuulada Tuka-raq ee Gobolka Sool keenay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal ee Puntland,Cabdirashiid Aw Maxamuud, waxaanu ku wareejiyey Taliska Qaybta Booliiska ee Gobolka Sool ee Somaliland, sidaana waxa baahiyey Mareegaha Internet-ka laga akhristo ee fadhigoodu yahay Gobolka Sool.

Warka, ayaa intaa ku daraya in Saddexda Nin oo Muddo ku xidhnaa Magaalada Garoowe isla-markaana lagu soo wareejiyey Somaliland ay ku eedaysan yihiin inay Huteel ku yaalla Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal kala baxsadeen Lacag dhan 18 Kun oo Dollar, balse markii ay Gaadheen Garoowe la qabtay oo la xidhay, markii dambana la isku afgartay in loo soo wareejiyo Somaliland, si sharciga loola tiigsado.

Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Nugaal ee Puntland Cabdirashiid Aw Muxumed, ayaa laga soo xigtay inay Taliska Booliska Gobolka Sool si gaar ah ugu wareejiyeen Lacagtii Saddexda Nin la baxsadeen oo lagu qabtay iyagoon isticmaalin.

Ugu dambayn, Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ka dhexeeya iskaashi dhinaca Ammaanka ah, waxaana marmar badan dhacday in labada dhinac is-waydaarsadeen Dad dambiyo geystay.

Comments are closed