|

Aragtida Ismaaciil Buubaa ee Baaqii Beesha Caalamka ee Dib u Dhigista Doorashada Madaxtooyadda

Hargaysa 31. January 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay sida uu arko muddo kordhinta ay ku heshiiyeen Xisbiyada Qaranka, Komishanka iyo Xukuumadda iyo halka ay taagan yihiin Beesha Caalamku, waxaanu sheegay in Wadan kasta uu arimihiisa guddaha u madax banaan yahay, balse wuxuu tilmaamay madaama marara badan dib u dhac ku yimid Doorashada in Beesha Caalamku u aragto in Dimuraadiyadii Somaliland khatar ku jirto.

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Golaha Guurtida ugu baaqay in aanay waxba ku darin wakhtiga todoba bilood ah ee lagu heshiiyey, waxaanu ugu horeyn isagoo baaqa Beesha Caalamka ka hadlaya uu yidhi“Sideedaba Siyaasada Wadan walba, guddaha ayey ka unkataa, oo Wadanka ayaa iska leh,  waxaana ka sax ah waxaas baa lagu heshiiyey, laakiin wey ku saxsan yihiin  Beesha Caalamku ina yidhaahdan Dimuqraadiyadiinu khatar bay ku jirtaa, waayo Barlamaankiini wey iska fadhiyaan, oo toban sanno iyo wax ka  badan bay fadhiyaan, Guurtiduna intaas in ka badan, Madaxweynaha hore ayaad ugu kordhiseen, imikana waad u kordhinaysaan, arimahaas oo jira oo lagu dhaleecayo Somaliland inay aad iyo aad uga habsaantay inay ilaaliso Dimuqraadiyada, laakiin arintani waa arin Qaran oo timid, oo la isla arkay, dana loo wada arkay, sidaas ayeyna ku dambaynaysaa, Siyaasada ayaana sidaas ah”.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa mar uu la hadlaayey Guurtida ayaa yidhi “Intaas la isku af gartay ee ah todobadaas bilood maaha inay Guurtidu ka badiso, Caalamku waxay u arkaan in bisha saddexaad Doorashada lagu qaban karo, balse Guurtida waxaan ugu baaqayaa madaama lagu heshiiyey in todaba bilood Doorashada dib loo dhigo, oo ah arin siyaasi, oo aan ahayn qanuun iyo sharci la isku haysto, todobadaas bilood waxba ha ku darina”.

Comments are closed