|

Ardayda Dugsiga Agoomaha Ummul Khadiija Oo Wasiir Samsam Ku Eedeeyay Inay Xoog Kaga Heysato  Raashin Dalalka Carabtu Ugu Deeqeen

Hargaysa 12. October 2017 (SDN/QJ):-Waalidiinta, Macalimiinta, Maamulka iyo Ardayda wax ka barata Dugsiga Agoomaha ee Ummul Khadiija Foundation ayaa eedayn u soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,waxa ay ku eedeeyeen inay iyadu ka dambayso raashin Dugsigaasi u raran oo kaga xaniban Dekeda Magaaladda Berbera,waxaanay ka codsadeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu ka qabto Haweenayda Maaliyadda Haysata oo ay ku tilmaameen inaanay wax arxan ah lahayn oo ay agoonta waxooga boobayso.

 

Qaar ka mid ah Hooyooyinka Ubadkaasi Dhalay oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa dhawaaq dheer kaga codsay Wasiir Samsam inay u damqato ubadkaasi agoomaha ah ee bilaa abaaha oo ay soo dayso Raashinka ay kaga haysato Dekeda Berbera,Waxaana hadaladoodii ka mid ahaa“Halkan Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaan kala hadlayaa,Marwo waxaan kuu sheegayaa halkan waxaan kaala hadlaya agoontaas,Waalidkoodii iyo Macalimiintoodii,Waxaanu ognahay oo naloo sheegay inaad Raashinkii Agoonta ee Carabtu ku sadaqadaysatay ee iskuuladaasi agoonta lagu dabarayay haddii ay Cadaan tahay iyo haddii ay karis tahayba aad qabsatay wax Alle wax ay kuu tarayaan majirto,agoonta waxbaa la taraa,Haddii aanad waxba tarayn madaxaas ayaa loo salaaxaa ayuu Alle yidhi SWT”.

Waxa kale oo ka mid ahaa “Ardaydan agoonmaha ahi waxay waalidiintoodu halkan u marinayaan Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi aadan,Agoontani waxay u baahan yihiin Waxtar ee uma baahna Waxyeelayn,Meel aan waxba kujirin waxba lagama daydayo, u soo daaya agoonta aabayaashoo la aasay ee waxtarka u baahan,u soo daaya Raashinkooda,dadkan agoonta ah ee loo tabarucay ee inantan Rooda Cali Fidhin ee Iskuulkoodii Ummul Khadiija iyo nafaqadoodii ay intiiba iyadu isku xilqaantay dadka raashintaasi hortaagan waxaan leeyahay Madaxweyne dadkaasi hoos usoo eeg oo dadkaasi Nagaga fadhiya ee agoonta woxoogii haysta naga qabo”.

Ugu dambayn waxa ay yidhaahdeen“Anigu waxaan ahay Hooyaddii u samaynaysay Carruurta Nusesaacaha,wax loo kariyo looma hayo,Raashinkoodiina waxaa lagu haystaa Dekeda Berbera,oo ay haystaan Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiiro kale oo la mid ahi,waxaanu doonaynaa,oo aanu ka ashkatoonaynaa in Si deg deg ah lanoogu soo daayo,oo loo naxariisto ubadkaa yar yar agoonta ah”.

Comments are closed