|

Wasiirkii Gaashaandhiga Dawlada Federaalka Somalia Iyo Taliyihii Ciidanka Xooga Dalka Somalia oo Is Casilay!!

Muqdisho 12. October 2017 (SDN/QJ):-Wararka ka imaanayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu iscasilay wasiirkii Gaashaandhigga dowladda federaalka.

Waxaa lagu warramayaa in Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed uu warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada.

Waxaa la sheegayaa in laga aqbalay warqadda uu xilka uga tagay wasiirka. Lama oga sababta uu wasiirkii Gaashaandhigga isu casilay.

 

Dhanka kale, Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa iscasilay.

Ka dib markii taliyaha uu xilka ka tagay, madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa magacaabay Taliye cusub oo ay ka dhigeen Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod) kadib markii uu talo soo jeedin ahaan golaha wasiirada u dhex keenay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Cabdullaahi Colaad Rooble.

Wax badan lagama yaqaano taliyaha cusub, balse dowladdii madaxweyne Cabdiqaasir Salaad Xassan ayuu kasoo noqday wasiir.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa BBC Somali u xaqiijiyay iscasilaadda saraakiishaas.

Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid ayaa taliyaha ciidammada xoogga dalka loo magacaabay 6-dii bishii April ee 2017-ka, wuxuuna xilka hayaa 7 bilood oo kaliya, Abaanduulaha ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa loo magacaabay xiligaas Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Wasiir Cabdirishiid oo horey u ahaan jiray guddoomiyihii gobolka Bay ayaa kusoo baxay liiska golaha wasiirada 21-dii bishii Maarso, isaga oo liiska kasoo galay nambarka 5-aad.

Shirka golaha wasiiradda ee maanta ee lagu aqbalay is casilaadiisa ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’isulwasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Axmed Guuleed, mana la sheegin cidda lagu badalayo wasiirka is casilay.

Comments are closed