|

Askar ka Tirsan Amisom oo la Maxkamadeeyey Iyo Qodobada ay ku eedaysnaayeen DAAWO

Muqdisho 03.July 2016 (SDN/QJ):- Askar ka tirsan ciidamada Amisom ee Soomaaliya ka howlgala, gaar ahaan ciidamada Uganda ayaa lagu maxkamadeeyey magaalada Muqdisho.

83B7EA54-DDA0-4AA6-A2DC-5388AEAFFDBB_w987_r1_sCiidamadan oo dhowr iyo toban gaaraya ayaa waxaa ka mid ah shan ka tirsan ciidamada Amisom ee Uganda oo bishii June ay ciidamada dowladda Somalia ku soo qabteen iyaga iyo 10 qof oo Soomaali ah garaash ku yaala Muqdisho, xilli ay suuq madow ku iibinayeen rasaas iyo qalab ciidan.

Sarkaalkii ugu sarreeyay askartan oo la maxkamadeeyay ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, darajadiisa oo hoos loo dhigay iyo in Soomaaliya laga masaafuriyo.

Askarta la maxkamadeeyey ayaa waxaa ku jiray qaar aanay ciidamada dowladda Soomaaliya soo xirin balse baaritaan kadib la ogaaday inay arrintan ku lug lahaayeen.

Comments are closed