|

Askari katirsanaa Ciidanka AMISOM oo is toogtay maalmo un kadib markii uu ku laabtay dalkiisa

Nairobi (SDN) – Askari kasoo jeeda dalka Kenya kana tirsanaa ciidamada AMISOM ee ka howlgalayay gudaha Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in uu isku dhax dilay gurigiisa oo kuyaala Magaalada Busiya ee kutaala xadka ay Wadaagaan Dalalka Kenya iyo Uganda.

Wargeyska The Star , ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa wax ka qoray sheekada ku saabsan askariga Kenyan ah ee isku dhax dilay gurigiisa, waxa uuna Wargeysku sheegay in askarigan uu dhawaan ka laabtay Soomaaliya uu kamid ahaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Askariga Kenyanka ah ee is dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Joash Ochieng Magar, waxa uuna ahaa 52-sano jir ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Dalka Kenya, askarigan ayaana eheladiisa sheegeen in maalmo kahor uu kasoo laabtay gudaha Soomaaliya.

Gabadh la dhalatay askariga is dilay ayaa Wargeyska u sheegtay in uu walaalkeed isku dhax dilay qolkiisa, waxa ayna tilmaantay in uu katirsanaa ciidanka milatariga Kenya gaar ahaan kuwa AMISOM ee ka howglayay gudaha Soomaaliya uu malamo yar kahor kasoo laabtay.

Ninkan askariga ah ee is dilay ayey sheegeen eheladiisa in uu hayay isku buuq ayna jirto dhibaato dhinaca maskaxda ah oo u horeesady in uu askarigan is dilo , walina lama cadeyn sababta ka dambeysa in uu is dilo askarigan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askarigan is dilay uu kamid ahaa Xubno saraakiil ah oo lasoo saaray liiskood howlgabka, waxaana dadka qaar aaminsan yihiin in uu ka xumaa tilbaadaasi ayna keentay in uu is dilo.

Ciidamada booliiska magaalada Busiya uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in ay wadana baaritaano ku aadan kiiska askarigan is dilay, ayna shaacin doonaan sababta ka dambeysa in uu askarigan noloshiisa is dhaafiyo marka baaritaanku soo dhamaado.

Comments are closed