|

ATMIS oo qorsheyneysa in ay la dagaalanto Shabaabka 2024

Muqdisho Deccember 31, 2023 (QJ) -Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS Sam Okiding ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha ciidamada ATMIS ee sanadka soo socda. Waxa uu xusay in dhawaan lagu wado in kulan uu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasi oo dhammaan Taliyayaasha ATMIS ay kaga wadahadli doonaan sidii si hufan looga hortagi lahaa Al-Shabaab guud ahaan Soomaaliya.

Sam Okiding ayaa ku nuux nuuxsaday in dadaalka ciidamada ATMIS ee 2024-ka diiradda lagu saarayo ay tahay sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab iyo xoojinta tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in muhiimada howlgalka ay tahay sidii looga hortagi lahaa saameynta Al-Shabaab iyo sare u qaadida xaalada guud ee amaanka Soomaaliya.

Warka ka soo baxay taliyaha ATMIS ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada khatarta Al-Shabaab, waxaana uu ka tarjumayaa dadaallada socda ee lagu xasilinayo amniga Somalia.

Comments are closed