Puntland oo si adag uga hadashay xaalada Kismaayo, kuna hanjabtay inay saamayn doonto wada-shaqaynta ay la leedahay dawladda Federaalka Soomaaliya
Garoowe June 9, 2013 (SDN)- Maamul-gobolleedka Puntland ayaa markii u horaysay si kulul uga hadlay dagaalo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Kismaayo oo todobaadyadii la soo dhaafay khilaafaad siyaasadeed ka aloosnaa, kadib dhismaha maamul-gobolleedka Jubbaland. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. Cabdisamid Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe, kadib socdaal uu muddo ugu maqnaa…
