Laba Nin oo damacsanaa in ay Qarxiyaan Tareen isaga goosha Canada iyo Mareykanka oo la qabtay
Toronto April 23,2013(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay rag damacsanaa in ay qarxiyaan tareen isaga goosha Canada iyo Mareykanka. Policeku ma sheegin goorta ragani damacsanaayeen in ay weerarka qaadaan waxase ay sheegeen in ragani ay mudaba qorshahan diyaarinayeen. Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaan heysan dhalashada dalka Canada balse si sharci…
