Golaha Wakiilada oo fadhigoodii Maanta ku dhagaystay Warbixinta Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada.
Hargaysa 26.Jan.(SDN) Fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaashu waxay warbixin ku saabsan xeerka takaaliifta ammaanka madaarada Somaliland ka dhegaysteen Gudoomiyaha Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golahaasi Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar xaashi. Gudidu waxay u badaleen qodobka 4aad ee Xeerkan oo u dhignaa “Waxaa ku…
