‘’Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaashu Uma Baaqanayso Shuban Biyoodka Magaaladda Burco Ka Jira’’ Gudoomiyaha Gobolka Togdheer
Burco 11. June 2017 (SDN/QJ):-Badhasaabka gobalka Togdheer Maxamuud Cali Saleban (Ramaax), ayaa meesha ka saaray in shuban biyoodka ka dilaacay Burco uu baajin karo hawsha qaybinta kaadhadhka cod bixiyayaasha oo dhawaan ka bilaabmaysa gobalkaas. Badhasaabka oo u waramay telefishanka Star, wuxuu sheegay inay arkayaan in hawshii shuban biyoodka ay dabiibeen 60% islamarkaana ay maalinba maalinta…
