Webmaster

Maamulka Jaamacadda Camuud oo Nidar Ku Maray inay Maxkamad la Tiigsan doonaan Wasiirka Waxbarashadda Somaliland DAAWO

Boorama 08. May 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Sare ee Jaamacadda Camuud oo ahayd Jaamacadii ugu Horaysay ee Somaliland laga Furo Sannadkii 1998kii ayaa si adag u beeniyey Hadal ka soo yeedhay Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Mudane C.laahi Ibraahin Habane oo sheegay in Jaamacadu ay ku kacday Musuq maasuq la xidhiidha arday Komiishanka doorashooyinku u qaadanayeen Hawlgalka qaadashada…

Read More

Murashax Muuse Biixi Oo Si Kaftan ah Uga Jawaabay Sababta aanu u Qoslin Soona Bandhigay Wadiiqadda Uu Ku Maamuli Doono Dalka Hadii Uu Guulaysto!!! DAAWO

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaabadeeyay dariiqa uu Waddanka ku Maamuli doono hadii uu ku Guulaysto Hogaaminta Qarankan Kadib Doorashada Madaxtooyadda ee Qorshaysan inay dalka ka qabsoonto Horaanta bisha November ee Sannadkan. Guddoomiye Muuse Biixi oo ka qaybgalay kulan ay haween-weynaha…

Read More

Maamulka Dawladda Hoose ee Hargaysa Iyo Iskaashatada Basaska Caasimadda oo Isla Qaatay inaan Waxba Lagu Kordhin Qiimihii Dadweynuhu ku raacayeen Basaska Hargaysa DAAWO

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Mayor-ku Xigeenka Caasimada Hargeysa  Cabdicasiis Cagawayne iyo Iskaashada Gaadiidleeyda Basaska ee Magaalada hargeysa City Bus oo Shir Jaraa’id Ku qabtay Xarunta Dawlada Hoose ayaa Daboolka ka qaaday in haba yaraatee aan Waxba lagu soo Kordhin Qiimihii ay Bulshadu ku raaci Jirtay Basaska u Kala Goosha Xaafadaha Caasimadda Hargaysa.

Read More

 ‘’Somaliland iyo dadkeeda waan aqaan saa waaban ka dhashaye, Hadalkii Alleh ha u naxariisto eh Cigaal ayaa 100% sax ahaa’’ Cali Guray

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Alle ha u Naxariistee Maxamed Ibraahin Cigaal Wuxu yidhi oo laga guntay “20 sanadood ka dib anigu idin lama joogo laakiin waa laga yaabaa in daaro dhaadheer oo muraayado ah Hargeysa laga dhiso oo inanta adhiga la joogtaana ay tilfoonka gacanta qaadato. Waa wax dhici kara lakiin dadku waa dadkan…

Read More

“Itoobiya, weligeedba xidhiidh rasmi ah lamay yeelan Somaliland. Xidhiidhka aanu la samaynaynaa waxa uu mar kastaba ahaa mid ogolaanshiyihiisa aanu ka qaadanno dawladda Federaalka ah” Hailemariam Dessalegn

Addis Ababa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn, ayaa beeniyay inay dawladiisu aqoonsanayso qaddiyadda madaxbanaanida, waxaanu hadalkan ka sheegay shirjaraa’id oo ay wada qabteen madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, khamiistii. Sida uu qoray wargeyska The Reporter, ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Raysalwasaaruhu  wuxuu hoosta ka xariiqay, in dawladdiisu…

Read More

Baaq Gudoomiyaha Gobolka Sanaag u Kala Diray Hay’adaha Samo Falka ee Ka Hawl gala Magaaladda Ceerigaabo

Ceerigaabo 08. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha  gobolka Sanaag  Axmed Cabdi Falaay,ayaa ka hadlay dad xoolo dhaqato ah oo duunyada intii abaarta uga soo hadhay uu roob ka laayay isla markaana ku baaqay in si degdeg ah loogu soo gurmado dad soo guurto ah  ku sugan deegaanka Siraadley oo ka tirsan gobolka Sanaag oo roobab dabaylo…

Read More

Somaliland: Maxkamad 90-kii Maalmood Ee Sannadkan U Horreeyay La Hor-geeyay 366 Dacwadood Oo Ku Saabsan Khilaafaadka Qoysaska, Tirada Furriinka, Fasaqaadda & Laba-GUURKA

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Dacwadaha ku saabsan Khilaafaadka Qoyska, ayaa Safka hore kaga jira Tirada Dacwadaha Saddexdii bilood ee sannadkan u horeeyey soo maray Maxkamadda Degmada Hargeysa. Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa Saddexdii bilood ee u horeeyay Sannadkan waxa soo maray isla-markaana ay ka Gar-naqday 671 Dacwadood, kuwaasi oo 366 ka mid ahi yihiin khilaafaadka…

Read More

Dedaallada Dhakhaatiir & Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka Kaga Hor-tagayaan Macaluul Ka Dhacda Somaliland

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Dhakhaatiirta Somaliland ayaa dedaal badan ugu jira inay bedbaadiyaan kumanaan carruur ah oo xaalado nafaqo-daro ay keentay saamaynta abaarahu ka jira Wadammo Somaliland ka mid tahay keeneen. Sida lagu baahiyey barnaamij telefishanka ABC, qeybtiisa idaacaddu shalay ayaa lagu sheegay in Carruurta wadammada Koonfurta Sudan, Somaliland, Soomaaliya, Yemen iyo Nayjeeriya halis…

Read More

Agaasimaha Cisbitaalka Magaaladda Buuhoodle oo Shaaciyey inay Soo Afjareen Kiisaskii Xannuunka Shuban Biyoodka ee Dadka badani ay u dhinteen

Buuhoodle 08. May 2017 (SDN/QJ):- Agaasimaha Cusbitaalka Daryeel ee Magaalada Buuhoodle, Dr Cabdiraxmaan Cali Muuse, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey fidintaanka Xannuunka Shuban biyoodka, balse uu jiro xannuun kale oo laga qaaday biyaha wasakhaysan, kaasi oo ay dadka ka daweynayaan. Dr. Cabdiraxmaan Cali Muuse oo xalay u waramay wargeyska Dawan,wuxuu   ugu horeyn ka hadlaya…

Read More

Qoyskii uu Ka Baxay Wasiirkii Hawlaha Guud ee Somalia ee Agagaarka Villa Somalia lagu Khaarajiyey oo Ka Dalbaday Dawladda Madaxweyne Farmaajo inay Cadaalada Mariso Cidii Dilka Marxuunka ka danbaysay DAAWO

Muqdisho 08. May 2017 (SDN/QJ):- Ehelada Wasiirkii Hawlaha Guud ee Dawlada Federaalka Somalia Marxuun Cabaas Siraaji oo Dabayaaqadii Todobaadkii Tegay Ciidan ka tirsan Dawlada Somalia ay ku Khaarajiyeen Agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Somalia ee Muqdisho ayaa Dawlada Federaalka u soo Jeediyay In Caddaalada la Marsiiyo dadkii ka danbeeyay Dilka lagu Khaarajiyey Wiilkoodii. https://www.youtube.com/watch?v=yzkD3oTek-k

Read More

‘’Hadaad Dooneysaan Somaliland Inay Noqoto Qaran Jira Cida Ay Maanta Ku Suntan Tahay Ee Aan Xaqiiqadeeda Anigaa Halkan Ka Cadeynayaa Waa Muuse Biixi Cabdi’’ (Hinda Gaani) DAAWO

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Halkan ka daawo hinda gaani oo hore uga tirsanan jirtey garabkii toosinta ee xusbiga mucaaridka ah ee waddani dhawaana ku biirey xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye madal ayaa tilmaantay Mas’uulka Maanta Somaliland ka Saari kara Marxalada ay Ku Jirto.

Read More

Dhammaadka Qorshaha Labaad Ee Horumarinta Qaranka Somaliland Oo Shalay La Shaaciyey

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta JSL Md. Maxamed Ibraahim Aaden (Qabo), ayaa furay shir lagu shaacinayey dhammaadka qorshaha labaad ee horumarinta qaranka oo ka qabsoomay Hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa Shalay. Shirkan waxa ka soo qayb galay Wasiirro, Agaasimayaal, Mareeyayaal iyo xubno ka kala socday Wasaaradaha iyo hay’adaha kala shaqeeya Wasaaradda Qorsheynta…

Read More

Mas’uuliyada Dilkii Wasiirkii Howlaha Guud ee Somalia Oo Lagu Eedeeyay Inay Ku Lug Lahayd Xukuumada Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho 08. May 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sidoo kale xubin ka ah guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka ayaa masuuliyada dilka Wsaiirkii howlaha Guud ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya. Waxa uu sheegay Xildhibaan Jeesow in xukuumadda Soomaaliya ay qaadaneyso masuuliyada dilka Wasiir Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji ,wuxuuna…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo Awaamiir Adag Siiyay Hogaanka Saadka ee Ciidamadda Xooga Dalka Somalia Kadib Kormeer uu Ku Tegay Xarunta Kaydka Raashinka Ciidamadda SAWIRO

Muqdisho 08. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray hogaanka saadka ee ciidamada XDS gaar ahaan goobaha lagu keydiyo raashinka ciidamada. Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyey bakhaarada lagu keydiyo raashinka ciidamada dowladda, isagoo dhinaca kalena hubiyey tayada raashinkaasi. Farmaajo Madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale hubinayey in ciidamada dowladda ay helaan raashinka ay…

Read More

Hanti Dhawraha Somalia oo Xoriyadiisii Dib u Helay & Huteel Muqdisho Ku Yaala oo Amnigiisa Lagu Sugayo

Muqdisho 08. May 2017 (SDN/QJ):- Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Hanti Dhowrihii Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Faarax Jimcaale uu dib u helay xuriyadiisa kadib markii labo maalin kahor lagu amray in uusan Madaxtooyada ka bixi karin uuna ku jiro xabsi guri. Dr Nuur Faarax Hanti Dhowrihii Qaranka ayaa dadaalo badan kadib lagu guuleestay in…

Read More

Dekada Ceel Macaan iyo Garoonka Cisaley oo dib loo furayo Xili dowlada Federaalku aanay Ku Niyad Samayn

Ceel Macaan 08. May 2017 (SDN/QJ):- Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in ay qorsheenayaan in si dhaqsi ah u howl galiyaan Dekadda macmalka ah ee Ceel Macaan iyo sidoo kale garoonka Diyaaradaha Cisaley ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in aysan wax gor gortan ah maamulkooda uusan…

Read More

Waa Kuma Madaxweynaha Cusub ee faransiisku? & Shacabka Faransiiska oo Sameeyay Taariikh Cusub Kadib Markii ay Doorteen Madaxweyne 39 Jir ah!!!

Paris 08. May 2017 (SDN/QJ):-ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada tartankii loogu jiray qasriga Elesy ee Madaxtooyada Dalka faransiiska oo uu 65% ku guulaystay Emmanuel Macron ayaa mar kale Faransiisku waxa ay sameeyeen taariikh siyaasadeed oo ku saabsan doorashada Madaxweynahii ugu da’da yaraa ee soo mara Jamhuuriyada Faransiiska Emmanuel Macron, kaas oo aan ka soo jeedin…

Read More

Dawlada Itoobiya oo Maraykanku Ka Jaray Dhaqaale uu Ku Siin Jiray Dagaalka ay Kula Jirto Ururka Alshabaab

Washington 08. May 2017 (SDN/QJ):- Maraykanka ayaa joojiyey taageeradii Maaliyadeed ee dowladda Itoobiya ku siin jirtay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad meesha uga saaray lacag gaareysa $150,000 oo Doollar ah oo uu Mareykanka bil kasta ku siin jiray Itoobiya dagaalka Al-shabaab, taasoo Sanadkii gaareysa of $1.8 Milyan oo Dollar….

Read More