Webmaster

Xukuumadda Oo Waajahday Beelihii Ku Dagaalamay SOOL, Hanjabaaddii Xaglo-toosiye, Digniintii Xaashi, Dersigii Cadami, Dabuubtii Faratoon & Dareenkii Samo-taliska DAAWO

Laascaanood 18. April 2017 (SDN/QJ):- Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo Socdaal ku tagay Gobolka Sool, ayaa kulan la yeeshay Odayaasha Labada Beelood oo Walaalo ah oo Dagaallo ku dhex mareen Koonfurta Gobolkaasi, kuwaasi oo Xalka Colaaddoodu raagtay. Weftiga Xukuumadda ee halkaasi tagay oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga, Caafimaadka, Biyaha, Madaxtooyada, Arrimaha…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘Nimcada Maqalka ee Alle Ku Siiyey”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 18. April 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyey Bilowga Bixinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha Fariina u Diray Sadexda Xisbi Qaran DAAWO

Hargaysa 18. April 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooynka Qaranka oo ay Weheliyaan Wakiiladda Sadexda Xisbi Qaran ayaa  Si rasmi ah ugu Dhawaaqay in Gobolada Awdal,Saaxil Iyo 12 Degmo oo Ka Tirsan Gobolka Sanaag ay Ka Bilaabmi doonto Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha oo Loo Asteeyay 29 Bishan April. https://www.youtube.com/watch?v=B2I8tTGjUKo

Read More

“Dadka Wax Takfiiriya (Dadka Gaalaysiiya) Way Lumeen, Ciddii Jale Ku Deyatana Way sii Lumaysaa.” Sheekh Maxamed Dirir

Hargaysa 18. April 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa kula dardaarmay dadka haysta fikirka takfiirka inay Ilaahay uga toobad keenaan, isla markaana aqoon badan u yeeshaan diinta islaamka inta aanay  aqoondaro ugu xukumin dembi weyn ummada islaamka. Khudbad uu Sheekh Dirir kaga hadlay  fikirka Takfiirka iyo waxa Quraanka iyo sunnaha nebigu CSW ka…

Read More

Maamulka Jaamacada Hargeysa Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Macalin Jaamacadaasi Dhiganayay Oo Ka Mid Noqday Kooxdii Urur Diimeedka Hargeysa Kaga Dhawaaqday Ee Ciidanku Xabsiga Dhigay Iyo Go’aan Ay Ka Qaateen

Hargaysa 18. April 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Jaamacada Hargeysa ayaa markii u horaysay ka hadlay Macalin Daahir Jaamac Cali oo ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacada Hargeysa oo dhawaan Ciidamada Bilayska Somaliland Xabsiga u taxaabeen kadib Markii ay isaga iyo Macaliin kale oo uu ka mid yahay Hargeysa kaga dhawaaqeen Urur Diimeed la magac baxay AL-SAADICUUN BIL-XAQ,oo…

Read More

Burco: Booliiska Oo Qabtay 292 Litir Oo Khamri Ah Iyo Magacyada Dadkii Sitay Oo Maxkamadda Gobolku Xukuntay

Burco 18. April 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Booliiska Somaliland ee ka hawl-gala Magaalada Burco, ayaa Hawl-gallo ay habeennadii u dambeeyay ka wadeen halkaasi waxay Gacanta ku soo dhigeen Maandooriyaha loo yaqaanno Khamriga oo aad u tiro badan. Hawl-galkan oo ay sameeyeen Ciidammada Booliiska ee Saldhigga Faarah Oomar ee Magaalada Burco, ayaa waxa lagu soo qabtay 292…

Read More

Dowlada Somalia oo ka Hadashay Aftidii Awooda Loogu Kordhiyey Madaxweynaha Turkiga

Muqdisho 18. April 2017 (SDN/QJ):- War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Somalia ayaa loogu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Turkiga guushii wax ku oolka ajeyd ee ay ka soo hooyeen aftidii dhinaca dastuurka ee maalinimadii shalay ka dhacday dalkaasi. “Waxaan u hambalyeynayna Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray Aftidaasi , taasoo u horseedeysa…

Read More

Laba Budhcad-badeed Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Gacanka Cadmeed Iyo Dhaawaca Mid Kale

Ceerigaabo 18. April 2017 (SDN/QJ):- Sarkaal Soomaali ah, ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaalada Baddu toogasho ku dileen Labo budhcad badeed ah Soomaali ah, halka mid kalana ay dhaawaceen. Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah xoogagga la dagaalanka budhcad-badeedda ee Puntland ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ka mid ahaayeen sagaal…

Read More

Haweenay Goob-joog U Ahayd 90 Xukuumadood Oo Soo Maray Talyaaniga, Oo Ku Geeriyootay 117 Jir

Roma 18. April 2017 (SDN/QJ):- Haweenay la aaminsanaa inay ugu da’ weynayd Adduunka ayaa ku Geeriyootay dalka Taliyaaniga, iyadoo 117 sano jir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaasi Waxay ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Verbania ee waqooyiga dalka Taliyaaniga. Emma Morano waxay dhalatay 29 November 1899, waxay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee…

Read More

Xubnaha Urur Diimeedka Alsaadicuun Bilxaq Oo Laga Mamnuucay In Ay Ka Dhoofaan Madaarka Muqdisho Iyo Sababta Loogu Diiday!

Muqdisho 18. April 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya caasimadda dalkaasi aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ayaa sheegaya in maamulka Magaalada Muqdisho uu go’aan adag ka qaatay kooxda dhawaan dhulka Soomaalida ka ayidday koox diimeedka Alsaadicuun Bil-Xaq. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Radio Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Amar lagu bixiyey…

Read More

Xisbiga Waddani Oo Guddida Doorashooyinka Ugu Baaqay Inuu Tafaasiil Ka Bixiyo Ujeeddada Shir Ay Xukuumadda Isku Keliyeysateen Oo Tuhun La Geliyey

Hargaysa 18. April 2017 (SDN/QJ):- Masuul ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo lagu Magacaabo Cali Cantar, ayaa Komiishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay Ummadda u caddeeyaan Ujeeddada Shir aanay Xisbiyada Qaranku ogeyn, kaasi oo La Taliyihii Is-casilay ee Arrimaha Doorashooyinka u qaabilsanaa Madaxweynuhu Warbaahinta ka sheegay in la diiday inuu ka qayb-galo oo…

Read More

Doon Aan Haybteeda La Aqoonsan Oo Meydka Laba Ruux Oo Soomaali Ah Shalay Ku Soo Tuurtay Xeebta Gobolka Sanaag Ee Bariga Somaliland

Maydh 18. April 2017 (SDN/QJ):- Doon aan haybteeda la aqoonsan ayaa shalay ku soo tuurtay Xeebta Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland Meydka laba nin oo la sheegay inay Soomaali yihiin,Waxaana Meydkaasi gacanta ku haya oo baadi goobaya Eheladooda Dadka degan Deegaanka Xeebta ee ay Doontaasi ku soo tuurtay Meydadka. Wararka Xalay naga Soo gaadhay Gobolka…

Read More

Xuutiyiinta Yemen Oo Aaska Maydadkii Reer Somaliland Ee La Xasuuqay Shuruud Uga Raadinaysa Maamulka Xamar Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Aan Kaba War Hayn

Sana 18. April 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si loo aaso maydadka dadkii Soomaalida ahaa ee u badnaa reer Somaliland ee badda Cas diyaaradda Hilokobtarta ahi ku xasuuqday si loo aaso waxa ay shuruud u direen maamulka Muqdisho ee Soomaaliya iyada oo aanay xukuumadda Somaliland arrinkaasi horena wax war ah oo cad uga…

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo u Dabaal Degaya Guusha uu Ka Gaadhay in Awooda Dalkaasi ay Gacantiisa Soo Gasho & Qodobada Awooda Dheeraadka ah Siiyay DAAWO

Ankara 18. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa  Ka Hadlay Aftidii Axadii loo Qaaday Wax ka bedel lagu Sameeyo Distoorka dalkiisa oo Awoodo dheeraad ah Siiyay . Madaxweynuhu Wuxuu Shir Gudoomiyey Kulan ay Yeesheen Golaha xukuumadda dalkiisu ka dib markii uu Ku Guuleystay aftidii loo qaaday wax ka bedelka dastuurka  ee Axaddii shalay ka…

Read More

Wiil Yar oo 18 Jir ah oo Maxkamad lagu Soo Taagay Kadib Markii uu Dameer Dhirbaaxay DAAWO

Ohio 18. April 2017 (SDN/QJ):- Wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Lukas Dietrich ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu eedeeyey in uu xayawaan kula kacay fal arxan darro ah dalka Maraykanka. Wiilkan ayaa loo diiwaangeliyey baadhitaanka dacwad ah in uu wejiga ka dhirbaaxay dameer ku nool beer ku taalla gobalka Illinois ee dalkaas….

Read More

Shirkada Facebook oo Soo Bandhigtay Tilmaamo Dadku Ku Garan karaan Wararka Beenta ah ee Shabakadooda Lagu Baahiyo

Washington 18. April 2017 (SDN/QJ):- Dadaalladii ugu dambeeyey ee Facebook uu ku doonayo in uu xakameeyo wararka been abuurka ah ee lagu faafiyey barkulankooda bulshada ayaa ahaa talooyin toban ah oo ay shirkaddan Maraykan dhowaan u jeedisay macaamiisheeda si ay uga caawiyaan garashada wararka been abuurka ah. Dhinaca kalana Facebook waa uu suurtogeliyey in macaamiishiisa…

Read More