Webmaster

Hoggaamiyaha WADDANI Oo Is-barbar-dhigay Dhaqaalaha Laga Qaado Dawladaha Saldhigyada Ku Leh Jabuuti & Lacagta Lagu Kireeyey Saldhigga Berbera DAAWO

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa wax laga waydiiyey sida uu u arko Heshiiska Dawladda Somaliland la saxeexatay Dawladda Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Milletariga ee Magaalada Berbera. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xilligan ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa isagoo ku sugan…

Read More

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali oo Ka Warbixiyey Xaalada Guud ee Somaliland

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay isu gurmadaan oo ay tabaaleeyaan dadka ay abaaruhu ku habsadeen. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu wareysigu u dhacay sidan: Saldhiga Milatari ee ay Xukuumaddu dalka…

Read More

‘’Ma Jiraan Wax Mashaariic ah oo Aniga Iyo Mas’uuliyiinta Kale ee Wasaaradda Caafimaadku aanu Lunsanay’’ Wasiir Xaglo Toosiye

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa beeniyay  warar sheegaya in isaga iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaraddiisu ay lunsadeen kharashkii mashruuc loogu tagalay TB-da. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo Wargeyska Geeska Afrika ugu horeyn wax ka weydiiyey wuxuu ka qabo eeddan loo soo jeediyey iyo sida…

Read More

Bacihii Ay Xukuumadda KULMIYE Joojisey Oo Ka Soo Dega Magaalada Saylac iyo Go’aankii Xukuumadda Oo Aan Fulin

Saylac 06. April 2017 (SDN/QJ):- Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka qaada gaar ahaana nooca loo yaqaan 1924-ka oo Sida Shixnad Ganacsiga bacda ah ayaa markii Tobnaad kasoo gudbey Kastamka Cashuuraha Maaliyada ee Degmada Saylac kadib markii si  xor ah loogu soo cashuurey halkaasi iyadoo talaabadanina ka hor imanayso wareegtadii madaxweynuhu ku joojiyey in bacda waddanka lasoo…

Read More

Halis Caafimaad-darro Oo Lagu Sheegay Khudaarta Somaliland Uga Timaadda Dalka Masar Iyo Tirada Dalalka Adduunka Ee Hore U Mabnuucay

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Suuqyada Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn loogu iibiyaan badeecado kala duwan oo dhamaantood laga keeno dalka Masar, xilli muddooyinkii u dambeeyey wadammo badan oo dunnida ka tirsan mamuuceen in loo iib-geeyo halis caafimaad oo ku lamaan awgeed. Badeecadahan halista caafimaad lagu sheegay ee laga keeno dalka Masar, isla markaana…

Read More

Puntland Oo Ka Hadashay Lacag Aan La Shaacin Oo Dawladda Muqdisho U Qaybisay Somaliland Iyo Maamullada Dalka Soomaaliya

Garoowe 06. April 2017 (SDN/QJ):- Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aanay sidii loogu talo-galay u qaybin Deeq Lacag ah oo loogu talo-galay Gurmadka Abaaraha ka jira Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-gobolleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Camay ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya…

Read More

36 Guuradii ka Soo Wareegtay Ku Dhawaaqistii Ururkii SNM Dagaalo Mahadho reebay oo Taliskii Siyaad barre la Galay{DHAGAYSO Barnaamij Gaar ah oo Qurbejoog idiin diyaarisay}

Hargaysa 06,April 2016 (SDN/QJ)- Waa Maalin Xus iyo Xusuusba ku leh,Waa Maalintii Magaalada London ee dalka Ingiriiska lagaga dhawaaqay Ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed ee SNM 6 april 1981kii. Waa Dharaarta Dhashay Maalmo badan oo amranaa oo Halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta dalka lagu jiray Waa Maalinta Sababta u ahayd dhicitaankii Siyaad bare. Shabakada Qurbejoog.com…

Read More

Dawlada Federaalka Somalia oo Markii Kowaad ka Hadashay Sababtii Keentay in Heshiiskii Duulimaad ee Nairobi ay Kenya Xagal Daaciso

Muqdisho 06. April 2017 (SDN/QJ):- Labo diyaaradood oo doraad ka baxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Nairobi ayaa ku hakaday garoonka Diyaaradaha Wajeer halkaas oo saacado lagu xanibay rakaabka diyaardahaasi saarnaa baaritanao dheeraad ahna lagu sameeyay. War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uusan…

Read More

Maxaynu u Samaysanay Xisbiyadda Qaranka? Weriye Cumar Maxamed Faarax FAALO

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Dadka xisbi ku wada jiraa, waxay wadaagaan ujeeddooyin iyo hadaf, baadi-sooc u ah oo ay kaga duwan yihiin xisbiyada kale ee siyaasadda ee tartanku ka dhaxeeyo,Waxaa Sidaas Sheegay Weriye Cumar Maxamed Faarax oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka iyo Tifaftiraha Wargayska Dawlada ee Dawan.   “Uf Qabiilka Anaa Leh Wuxuun baa…

Read More

Dubai: Maalqabeen U Dhashay Dalka Suuriya Oo Shil Baabuur Oo Uu Galay Ku Kaliftay Inuu Hantiidiisii Oo Dhan Ugu Deeqo Dad Bukaan Ah !

Dubai 06. April 2017 (SDN/QJ):- Maalqabeen u dhashay Dalka Suuriya oo la yidhaahdo Mazy Domato Da’diisuna tahay 38 jir ayaa waxa uu hantidiisii oo dhan ugu deeqay Dadka Xanuunsanaya iyo Masaakiinta si wax loogu taro, ninkan oo toddobaadkii ugu danbeeyay laga qoray warbixino tiro badan oo luuqado kala duwan kusoo baxay ayaa waxa la sheegay…

Read More

Britain: Cadar Sabab U Noqday Dhimashada Gabadh Dhallinyaro Aheyd !

London 06. April 2017 (SDN/QJ):- Wargeysyada Dalka Britian ayaa baahiyey in gabadh dhallinyaro ahi Cadar ay marsatay ugu geeriyootay Magaalada Lancashire, Cadarkaasi oo si xad dhaaf ah ay uga qaadatay Sanka markii jidhkeeda marinaysay, Cadarkan oo ahaa nooca Dhiddid Baabiiyaha ah ee jidhka la mariyo ayaa sabab u noqday dhimashada gabadhaasi. Dhinaca kale, Wargeyska Daily…

Read More

Tuunisiya: Baar Lagu Caweeyo Oo La Xidhay Markii Laga Shiday Aadaanka Salaadda

Tunis 06. April 2017 (SDN/QJ):- Baar ku yaalla Tunisiya ayaa albaabada loo laabay ka dib markii la arkay muuqaal muujinaya aadaan loo shiday dad qoob ka ciyaar ciyaara, sida ay saraakiisha ammaanku sheegeen. Muuqaalkan oo laga duubay magaalada Nabeul ee ku taaalla waqooyiga bari ee dalka Tuniisiya ayaa la soo bandhigay Axaddii, dad badan oo…

Read More

Midowga Yurub oo Walaac Xoogan ka Muujiyey Qorshe ay Sheegeen inuu Ruushku Ku Mijo Xaabinayo

Moscow 06. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub, Frans Timmermans ayaa madaxweynaha dalka Ruushka ku eedeeyey in uu wado qorshe uu doonayo in uu dawladaha Yurub ku dhiirrigeliyo sidii ay uga bixi lahaayeen EU-da, si uu u furfuro Midowga Yurub oo uu Putin doonayo in uu saaxadda ka baxo. Frans  Timmermans oo khamiistii…

Read More

Shirkada Caanka ah ee Samsung oo Soo Saartay Mobilka Galaxy S8 Kadib Fadeexadii ka Raacday Note 7 & Qiimaha uu Suuqa ku soo Galay

New York 06. April 2017 (SDN/QJ):- Shirkadda Samsung ee Kuuriyada Koonfureed laga leeyahay ayaa munaasabad ay ku qabatay magaalada New York ee dalka Maraykanka waxa ay daaha kaga rogtay talefankeedii ugu dambeeyey ee casri ah oo ah Galaxy S8, kaas oo u qaybsan laba nooc oo ah mid yar iyo mid weyn, waxa aanay arrintani…

Read More

Somaliland: Qiimaha Doollarka oo Gaadhay Halkii u Sarraysay, Silica Danyarta iyo Fashilka Xukuumadda Siilaanyo

Hargaysa 05. April 2017 (SDN/QJ):- Qiimaha lacagta Dollarka ee dalka Maraykanka ayaa cirka isku shareertay isla markaana gaadhay halkii ugu sarraysay abid ka dib markii qiima halka Dollar oo noqday 9.000 kun oo shillinka Somaliland ah meelaha qaarna ay wax dheeraayeen. Kor u kaca qiimaha Dollarka ayay dadweynaha caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaan…

Read More

Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee ka dhashay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho DAAWO

Muqdisho 05. April 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku dhintay inta la ogyahay, 8 kalena way ku dhaawacmeen, Qarax Gaadhi loo adeegsaday oo Arbacadii Maanta ka dhacay Banaanka hore ee Makhaayad Qaxwaha iyo Bunka laga cabbo oo ku taalla ka soo horjeedka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, halka…

Read More