Webmaster

Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo Walaac Xooggan Ka Muujiyey Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada+ Ganafka Ku Dhuftay Gudi Musdambeed ah oo Madaxweynahu Sheegay in uu u Magacaabayo Doorashada DAAWO

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta xisbigaasi ee magaalada Hargeysa, ayaa si adag u sheegay in ay walaac xoogga ka qabaan qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada oo ay sheegeen in ay Xukuumaddu ku guul-daraysatay in ay bixiso lacagtii qaadhaan ahaan lagu gelaayey doorashaddaasi iyaga oo sida…

Read More

“Haddii Aan Deg-Deg Wax Looga Qaban,Afarta Wasiir Iyo Afarta Caaqil Ee Gobolka Daad-madheedh Hoosta Iska Xidhay Wax Laga Qoomameeyo Ayaa Dhici Doona” DAAWO

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wax-garadka iyo cuqaasha gobolka Daad-madheedh oo warfidiyeenada la hadlayey ayaa go’aan adag ka qaatay arrinta sahaminta iyo qodista shiidaalka ee deegamadaasi ay xukuumaddu ka wado. Cuqaashan ayaa waxay sheegeen inaanay wax sahim shidaala oo laga sameynayo gobolkooda iyo deeganada ku xeeran aanu jirin. Cuqaasha oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa hadalladoodii…

Read More

Hay’ad Baadha Aataarta Qadiimka Ah Oo Bariga Berbera Ka Heshay Goob Suuq Ahayd 5 Kun Oo Sano Ka Hor

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf, ayaa ka warramay dedaal ay ku baadi-goobayaan Aataar Qadiim ah oo lagu sheegay inay meelo ka mid ah Somaliland ku duuggan yihiin, sida Berbera iyo Bullo-xaar iyo meelo kale. Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Hay’ad Spanish…

Read More

Boqol Booyadood oo Biyo ah oo Lagu Wareejiyey Guddida Taakulaynta Abaaraha ee Gobolka Togdheer & Cida Bixisay DAAWO

Berbera 30. March 2017 (SDN/QJ):- Mas’uuliyiinta Magaaladda Berbera,Kuwa Gobolka Saaxil oo ay Weheliyaan Guddida Taakulaynta Abaaraha ee Gobolkaasi ayaa Deeq Biyo ah oo dhan 100 Booyadood oo Shirkadda DPW Hore ugu Wareejisay Maamulka Gobolka Saaxil Waxay Gudoonsiiyeen Guddida abaaraha ee Gobolka Togdheer.

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo Gaadhay Dalka Jordan,Hab Maamuuskii Lagu Qaabilay & Nuxurka Khudbad uu Ka Jeediyey Shirkii Jaamacada Carabta SAWIRO/DAAWO

Cumman 30. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Mudane Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa Gaadhay Dalka Jordan oo uu Kaga qayb galayo Shir Madaxeedka 28aad ee Dalalka Jaamacada Carabta Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Camaan masuuliyiin katirsan Dowlada Jordan, waxaana Madaxweynaha loo garaacay Muusikada ay tumaan kooxda Bambeeda.   Madaxweynaha Jamhuuriyadda…

Read More

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Fuliyay Qodob ka Mid ah Heshiiskii uu La Saxeexday Dhigiisa Somalia Farmaajo & Diyaaradihii ka Duulay Muqdisho oo Toos ugu Degay Nairobi DAAWO

Muqdisho 30. March 2017 (SDN/QJ):- Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa daah furay Duulimaadkii ugu horeeyay oo toos ah oo u Kala Gooshaya magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka Aadan Cadde. Munaasabada lagu daah furayay Duulimaadka tooska ee Muqdisho iyo Nairobi waxaa ku sugnaa Ra’isul Wasaare Xasan Cali…

Read More

Hargeysa: Khatarta Xadhkaha Xambaara Laydhka Oo Korodhay Markii Roobka Gu’gu Curtay

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Ka dib, Roobka Gu’ga oo ka curtay inta badan Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa sababay in Xadhkaha Laydhka Xambaara ee Dul-mara qaybaha Magaaladu ka kooban tahay inay isku marmaan isla-markaana uu qaarkood ka dhasho Shoodh sabab khasaare Naf iyo Maalba leh. Xadhkaha Laydhka Qaada oo si bilaa nidaam ah…

Read More

Madaxweyne Dhowaan Xilka Lagu Xayuubiyey Oo La Qorsheynayo In Xabsiga La Dhigo,Maxay Galabsatay?

K.Koonfureed 30. March 2017 (SDN/QJ):- Xeer Ilaalinta dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay doonayaan in la jaro warqad lagu soo xiro Madaxweynihii hore ee dalkaas haweeneyda la yiraahdo Park Geun-hye.   Waxay ku eedeynayaan inay door ku lahayd fadeexad musuqmaasuq oo sababtay in xilka laga qaado horaantii bishan ka dib markii Maxkamad dastuuri ah ay taageertay…

Read More

Masar : Haweenay Facebook Kale U Samaysatay Ninkeeda Si Ay Ula Socoto Dhaqdhaqaaqiisa Dhinaca Haweenka Iyo Wacdaraha Ka Soo Gaadhay !

Qahira 30. March 2017 (SDN/QJ):- Baraha bulshada ayaa waxay sabab u nqodaan dhibaatooyinka kala haysta qoysas aad u tira badan oo guud ahaan Adduunka ka nool, haddaba haweenay u dhalatay Dalka Masar oo magaceeda la yidhaahdo Asma Mursi ayaa waxay shabakada wararka ee Al-arabiya siisay wareysi ay ku cadaysay in sababta uu wajigeedu u baaba’ay…

Read More

Qabiil Ku Nool Kaymaha Brazil Oo Mag-dhow Laga Siinayo Dhul Ay Degganaayeen Oo Diyaaradi Ku Soo Dhacday

Brazil 30. March 2017 (SDN/QJ):- Mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu waaweyn dalka Brazil oo la yidhaahdo Gol, ayaa aqbashay in ay magdhaw 1.3 milyan oo Dollar ah siiso qabiilo deggan kaymaha dalkaas. Diyaarad Shirkaddu leedahay ayaa waxay Sannadkii 2006-dii ku dhacday Dhulka ay degganaayeen Qabiilkaasi, waxayna dhibaato Xoog leh gaadhsiisay Deegaanka. Diyaarad…

Read More

Xukuumadda Oo Maanta Soo Indho-indhaysay Mashruuc Biyo Macaan Lagaga Soo Saarayay Banka Qool-caday Oo Hawshiisu Dhamaystirantay SAWIRO

Sallaxley 29. March 2017 (SDN/QJ):-Wefti Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumaddda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta kormeeray Banka qool caday oo ay Xukuumadddu ka hirgalisay Ceel biyood iyo mashaariic kale.   Weftiga oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Xanaanda Xoolaha Cabdilaahi Cukuse, Maaliyada Samsam Cabdi Aaadan, Biyaha…

Read More

Madaxda Mac-had Caalami ah oo Ka Shaqeeya Horumarinta Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda oo Dalka Jarmalka Si Weyn ugu Qaabilay Weftigii uu Hoggaaminayey Murashaxa Madaxweynaha WADDANI+SAWIRO

Berlin 29. March 2017 (SDN/QJ):- Mac-hadka caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta siyaasadda iyo dimuqraadiyadda ee dalka Jarmalka oo magaciisa la yidhaahdo Friedrich Ebert Stiftung isla mar ahaantaana si weyn loogga tix-geliyo qaaradda Yurub, ayaa kulan aad u heer-sareeya ku qaabilay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee muddooyinkii dambe…

Read More

Barnaamij Xiiso Badan Laga Diyaariyey Somalida Ku Dhaqan Dalka Hindiya Iyo Dhaqamada Ay Wadaagaan DAAWO

Delhi 29. March 2017 (SDN/QJ):- Dadka Hindida ayaa inta badan la sheegaa in ay jiraan dhaqamo ay la wadaagaan dadwowga Soomaaliyeed. Wariye Cabdisalaan Hereri oo ah wariye ka hawl galla telefeeshinka Universal Tv ayaa barnaamij ka diyaariyey Somalida ku dhaqan dalka Hindiya iyo waliba dhaqamada ay iskaga midka ka yihiin Somalida iyo Hindidu. Dhinaca kale…

Read More

Saylici & Huteelada:Xumada Doorashada,Madax Xannuunka Shaqada, & Jacaylka Muwaadiniintiisa Waa Midkee? DAAWO

Hargaysa 29. March 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne-xigeen Saylici, wuxuu caan ku yahay inuu mar mar banaanka uga soo baxo qasriga madaxtooyada iyo goobaha lagu kar-kariyo siyaasadda, waxaana la arkaa isagoo bulshada dhex fadhiya oo la qaxwaynaya. Shalay oo u dambaysay wuxuu si kedis ah u fadhiistay hoteelka caanka ah ee Imperial oo ku yaala duleedka madaxtooyada, waxaanu…

Read More

Natiijada Hordhaca ah ee Dadkii Iska Diiwaangeliyey Gobolada Somaliland Iyo Sida ay Goboladu u Kala Bateen DAAWO

Hargaysa 29. March 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa Shalay Soo bandhigay Natiijada Hordhaca ah ee Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha Somaliland. Lixda Gobol ee Waaweyn ee Somaliland ayaa Natiijada Hor dhaca ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu waxay Tilmaamaysaa in Gobolka Maroodijeex uu Kaalinta Kowaad Yahay Halka Gobolka Sool uu Kaalinta Lixaad Cidhiidhsaday. Gobolka Maroodijeex: 312, 634…

Read More

Dhitadii uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Oof-wareemay Shalay Sahaminta Macdanta Iyo Shiidaalka & Rajada Maanta u Bidhaantay DAAWO

Hargaysa 29. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu Axadii doraad daah-furay bilowga sahamainta shidaalka dalka oo ay wasaaradda macdanta muddo dheer ku hawlanayd. Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo halkaas ka jeediyay khudbad uu ku furayo sahamintan oo uu soo dhaweeyay, waxaanu shacabka reer Somaliland ee gobaladaa sahanku marayo ku nool ka codsaday in soo dhaweeyeen…

Read More

Hargaysa oo Lagu Qabtay Talaagado ay Ku Jiraan Kelyo Iyo Beerar Bulshada oo Ku Sifaysay Kuwo Bani aadam Iyo Taliska Booliska oo ka Hadlay DAAWO

Hargaysa 29. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Xalay baraha ay Bulshadu ku Xidhiidho aad looga hadal hayay Kelyo iyo Berar ku Jira Talaagad oo Lagu Qabtay Caasimadda Hargaysa. Dooda ugu Badan ee Bulshadu waxay ku arooraysay in Kelyaha iyo Beerarkani ay Yihiin Kuwo Bani aadam Inkasta oo Taliska Booliska Somaliland uu Guud ahaanba Beeniyey arrintaas. https://www.youtube.com/watch?v=EZuh-cOXFHo

Read More