Webmaster

Ciyaartoyga Messi Oo Wacyigalin Caafimaad Ku Tagi Doona Dalka Masar Toddobaadkan !

Qaahira 14. February 2017 (SDN/QJ):- Weeraryahanka caanka ah ee u ciyaara naadiga Barcelona ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago Dalkaasi Masar maalinta Arbacada ee beri, ujeedada booqashada Messi ayaa la xidhiidha wacyigalin dhinaca caafimaadka ah. Barnaamijka wacyigalinta ah ee uu ka qayb qaadanayo Ciyaaryahan Messi ayaa waxa ka masuula Torre and Cure, waxaanay sheegeen…

Read More

Diblomaasi Maraykan ah oo lagu xiray magaalada Nairobi & Booliska Kenya oo ka hadlay

Nairobi 14. February 2017 (SDN/QJ):- Booliska wadanka Kenya ayaa xabsiga dhigay diblomaasi ka tirsanaa safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.   Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in la xiray Diblomaasigan ka dib markii uu shil gaari galay, isla markaana uu bastoolad ku cabsi geliyey darawalka gaariga kale, si uu uga baxsado goobta…

Read More

Haddii dawladda Imaraadku saldhig milatari ka sameysato magaalada Berbera, faa’iido amma khasaare intee leeg ayey arintaasi Somaliland ku keeni karta? & Falanqaynta Dooda Somaliland ee Aqoon Yahan Maxamed C. Bile DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Aqoon Yahan Maxamed Cali Bille ayaa Tafaasiil ka Bixiyey Siyaabaha Keena in Saldhig Mileteri uu Dal ku Yeesho Dal Kale Iyo Mabaa’diida qaanuun ahaan loo raaco. Aqoon yahan Maxamed Cali Bille oo Xiligan ka Tirsan Xisbiga Taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa Iftiimiyey in Saldhigu Yeelan karo Khasaare iyo Faa’iido…

Read More

”Hooyooyinka ayaan La Hadlayaa Una Sheegayaa In Marka Hablahooda Saldhigaas Lala Galo ee Dawladu u Soo Saari Kari Weydo Cawaaqibka ay Mudan doonaan Hadii aanay Maanta Baraarugin” Marwo Faadumo Siciid DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ka Mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Fariin Guubaabo ah u Dirtay Hooyooyinka Somaliland oo ay ka dalbatay Inay Ka Falceliyaan Dhibaatooyin ay Sheegtay inuu Keeni doono Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka Laga Siinayo Madaarka Magaaladda Berbera. https://www.youtube.com/watch?v=FJn2S3dnFgM  

Read More

‘’Waa Ilaahay Mahadii Mar Hadii Fool Xumadaasi Dhacdey Anigoon Madaxtoooyada Joogin ‘’ Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka fal celiyey Dhacdadii Shalay ka dhacday Fadhigii wada Jirka ahaa ee labada Gole ee Sharci dejinta Somaliland Waxaanu Ilaahay uga Mahadnaqay in aanu Xiligan ahayn Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland.

Read More

Xildhibaan ka Tirsan Golaha Wakiiladda Kuna Abtirsada Xisbiga Kulmiye oo Sheegay inay Maxkamada Distooriga ah Gayn doonaan Heshiiskii Labada Gole ansixiyeen DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Kadib Markii Shalay Labada Gole ee Baarlamanka Somaliland ( Guurtida iyo Wakiiladdu) Cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Heshiis qabyo ah oo Xukuumadu la Gashay dalka Imaaraadka Isla markaana lagu Siinayo Madaarka Berbera Si ay Saldhig Mileteri ugu noqoto Mudo 25 Sanno ah ayaa Xildhibaan ka mid ah Mudanayaashi shalay laga…

Read More

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo Sheegay inuu Hore uga Digay Talaabadii Shalay ka dhacday Labada Gole ee Baarlamanka Somaliland DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid haatana ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Sheegay inuu Hore uga Digay Talaabadii Shalay ka dhacday Fadhigii Madaxweyne Siilaanyo kula hadlay Labada gole ee Sharci dejinta.

Read More

Weftigii Somaliland u Matalayay Wada Hadaladii Khaatumo oo Hargaysa Ku Soo Laabtay Iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Fariin Hanjabaad ah u Diray Madaxweynaha Somalia Sheegayna inuu Taageersan Yahay Heshiiska Saldhiga Mileteri DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Dib ugu Soo Laabtay Caasimadda Dalka ee Hargaysa Weftigii Somaliland u Matalayay Wada Hadaladii u Dhexeeyay Somaliland Iyo Khaatumo ee Ka Dhacay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.  

Read More

Salaadiin Ka Mid ah Gobolka Maroodi jeex oo Xukuumadda Ku Taageeray Heshiiska Saldhiga Mileteri ee Berbera DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Xubno ka Mid ah Salaadiinta Gobolka Maroodi Jeex oo Maanta Warbaahinta La Hadlay ayaa Sheegay inay Taageero Buuxda La Garab Joogaan Heshiiskii ay Xukuumadu La Gashay Imaaraadka ee ku Saabsanaa Saldhiga Mileteri ee Laga Siinayo Madaarka Magaaladda Berbera, Kaas oo Shalay ay Cod Aqlabiyad ah ay ku meel mariyeen labada…

Read More

Nuxurka Heshiiska Dawladda Imaaraadka Carabta Iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Ee Aasaaska Saldhigga Milateri 

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Shalay Waxa uu Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda u Gudbiyey Heshiis aan rasmi ahayn oo ay Xukuumadiisu la Saxeexatay Dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta oo Somaliland ka dalbaday inay Saldhig Mileteri ka siiso Madaarka Berbera. Dulucda Heshiiskan ayaa u Dhignaa Sidan:- Heshiiska Cidda…

Read More

Wasiir Caddaani oo Hambalyo u diray labada gole kana hadlay Arrinta Saldhiga ee Shalay la meel mariyey & Tiro uu Xildhibaano ah oo uu Sheegay inay Xisbiga Waddani ka Tirsanaayeen DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda ayaa Sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Ku Hambalyaynayo Labada Gole ee Sharci Dejinta Somaliland ansixinta Heshiiska Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga siinayo Magaaladda Berbera.

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘Ilaahay Cimrigaaga Wuu Barakayn”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

Read More

“Wasiir Caddaani Habeenkii waa Xisbiga Waddani oo wuu noo yimaaddaa, Maalintiina waa Kulmiye..” Faadumo Aadan – DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Faadumo Aadan Cawad oo ka mid ah Saraakiisha Garabka Haweenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa weerartay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), oo ay ku sheegtay inaanu waxba u taraynin Musharrax Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo toona, waxaanay sheegtay inuu Habeenkii ka tirsan yahay Xisbiga Waddani oo uu…

Read More

Xisbiga UCID oo Cambaareeyey Xildhibaanno lagu dhex-garaacay Baarlamanka, Kuna eedeeyey Saleebaan-Gaal Mas’uuliyada Falkii Baarlamanka ka Dhacay DAAWO

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Mucaaradka ah ee UCID, ayaa cambaareeyey qaabka wada-jirka ahaa ee Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda Hargeysa ee Madaxweyne Siilaanyo hortegay qaabkii loogula dhaqmay Xildhibaanno Mudanayaasha Wakiillada ee Mucaaradka ka tirsan oo qaarkood ay Askartii Golayaasha Askar aan ahayni intay garaaceen ka dareeriyeen Fadhigii Golahaas, ka…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo Huteel Jasiira ee Muqdisho Ku Qaabilay Nin Hal Ku Dheg Ku Soo Kordhiyey Bulshada Somalida (Farmaajo ii Geeya) & Nooca Balan uu u Qaaday DAAWO

Muqdisho 13. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku qaabilay hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho Ninkii ku caan baxay (Farmaajo ii geeya).   Wiillkan oo magaciisa la yiraahdo C/llaahi Max’uud Cusmaan oo loo yaqaano Daanyeerow ayaa maalmahan qabsaday baraha bulshada oo la soo dhigay video laga duubay habeenkii dabaaldega guusha…

Read More

“Boqolaal Dhalinyaradda reer Somaliland ah ayaa u xadhka xidhay magaalada Muqdisho.”

Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Boqolaal ka mid ah Dhalinyaradda kala duwan eek u kala nool Gobolada waa weyn ee dalka Somaliland, ayaa u xadhka xidhay dalka Somalia ee magaalada Muqdisho, isla markaana goobaha Bulshadu isugu timaado ayaa waxay iska xog waraysanayaan in dawladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo ee loo doortay Somalia ay maanta dhaanta…

Read More

Cabdiweli Gaas oo ka hadlay sida uu u arko isbedelka ku dhacay hogaanka dowlada Somalia DAAWO

Garowe 13. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ka dib markii ay magaalada Muqdisho kaga qeyb galeen doorashadii madaxweynaha cusub ee Somalia.   Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in…

Read More