Webmaster

”Wax Heshiis ah oo la Galay Ma Jiro,Anigu Ma Saxeexayo Waxaan Danta Somaliland Ku Jirin” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland DAAWO

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanu shakhsiyan marna saxeexi doonin heshiis aanay dani ugu jirin qaranka iyo dadka reer Somaliland. Wasiir Sacad oo shalay saxaafadda la hadlay isagoo horkacayay wefti ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuu kaloo sheegay inaanu jirin ilaa hadda…

Read More

Itoobiya, Ingiriiska, Maraykanka Iyo M. Afrika Oo Soo Dhaweeyay Doorashada Farmaajo

Muqdisho 11. February 2017 (SDN/QJ):-Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaana ay ammaan u jeedisay sida ay doorashada u dhacday. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa lagu sheegay in Raysal-wasaaruhu ammaanay sidii ay u dhacday Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya loogu doortay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Warka, ayaa…

Read More

Xisbiga KULMIYE & Garabkii Toosinta WADDANI Oo Ku Heshiiyey Inay Midoobaan

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo garabkii Toosinta & Caddaaladda ee xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayey Axmed Muumin Seed, ayaa ku heshiiyey inay si rasmi ah u midoobaan. Shir jaraa’id oo guddiyadii wadahadalka u matalayey xisbiga iyo garabka Toosinta ku qabteen huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta oo uu…

Read More

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan & Farriin ku socota Madaxweyne Farmaajo

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):- Marka hore waxaan kugu hambalyeynayaa xilka madaxweynenimo ee ay kuu doorteen baarlamaanka Soomaaliya. Waxan kuu rajaynayaa in aad noqoto kii ka taga taariikh wanaagsan dadkiisuna ka helaan wixii ay ka filayeen. Waxaad tahay siyaasi muddo gaaban ku jiray saaxadda siyaasadda oo aan weli si dhab ah loo tijaabin marka laga…

Read More

Dawladda Somaliland Oo Farriin U Dirtay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaasi oo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanku cod gacan taag ah ugu doorteen Madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona Afarta Sannadood ee soo socda. War-saxaafadeed uu Maanta Magaalada Hargeysa ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen-Deyr), ayaa…

Read More

Golaha Wakiillada Oo Joojiyey Cashuur Sharci-darro Ah Oo Wasiirka Arrimaha Guduhu Uu Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ugu Jideeyay Inay Qaaddo Warshadaha Biyaha Iyo Sharaabka

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa joojiyey cashuur uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu ku soo rogey Wershadaha soo saara Biyaha iyo Sharaabka, kadib markii Dawladda Hoose ee Hargeysa u soo gudbisay qorshe ay ku doonayso inay Cashuur cusub kaga qaaddo Wershadahaasi, halkii ay hore uga…

Read More

Madax-dhaqameed Sheegay In Dawladdu Shidaal Ka Bilaabayso Deegaanno Ka Mid Ah Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Boqor Raabbi Yuusuf Cabdilaahi oo kamid ah madaxda  dhaqanka Somaliland, ayaa ka digay dhibaato uu sheegay inay ka iman karto shidaal ay wasaaradda macdanta Somaliland ay doonayso inay ka baadho deegaano ka tirsan gobolka Maroodijeex gaar ahaan koonfurta magaalada Hargeysa, sida uu isagu sheegay. Boqor Raabbi ayaa waxa uu farriin u…

Read More

Wiil Baraha Bulshada ku qabsaday Taageerada Farmaajo oo la kulmaya Madaxweynaha (Daawo Muuqaal)

Muqdisho 11. February 2017 (SDN/QJ):-Wiil dhalinyaro ah oo si weyn ugu soo caan baxay Muuqaal laga soo duubay isaga oo taageeraya Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa si weyn u qabsaday baraha Bulshada gaar ahaan Facebook iyo Youtube. Cabdulahi Maxamuud Cismaan(Daanyerow) oo ah Beeraley kunoolaa magaalada Jowhar ayaa kamid ahaa dadkii dabaal dega usoo baxay markii…

Read More

‘’Xildhibaanada Waddani Waxaan Leeyahay Yaan La Arkin Idinkoo Shanta Gacmoodba Taagaya’’ Wasiir Ku Xigeenka Xoolaha DAAWO

Hargeysa 09. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Mudane Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheer) oo ayaa Sheegay inay Xukuumadu Mas’uul ka Tahay hirgelinta Heshiisyada Caalamiga ah oo ay ka mid tahay Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka Laga Siinayo Magaalada Berbera.

Read More

Somaliland: Dalabkii Madaxtooyada, Jawaabtii Saleebaan, Dooddii Cirro iyo Gunaanadkii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa 09. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxtooyadda Somaliland, ayaa kulan ay shalay ku wajahay Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan kagala hadashay arrimo la xidhiidha Saldhigga Millateri ee Xukuumaddu kula heshiisay dawladda Imaaraadka inay ka siinayso Berbera, isla markaanna sida uu Ogaal ka soo xigtay ilo ku dhawdhaw dhinacyadaa waxay labada dhinac isdhaafsadeen aragtiyaha ay ka qabaan Barnaamijkaa…

Read More

Dareenada ay Xambaarsanayd Laba Khudbadood oo Mudo afar Sanno Gudahood ah uu Madaxweynaha Cusub ee Somalia Farmaajo ka Jeediyey Golaha Shacabka DAAWO

Muqdisho 09. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Laga Joogaa Mudo Afar Sanno ah Markii Madaxweynaha Cusub ee Somalia Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Isagoo Murashax Madaxweyne ah uu Sannadkii 2012-kii Khudbad u Jeediyey Golihii Shacabka ee Dawlada Federaalka Somalia oo uu Ku Soo Bandhigayay Waxqabadka uu rabo inuu Somalia ka Sameeyo hadii Loo Doorto Hogaaminta dalka Inkasta…

Read More

Xildhibbaano Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland oo Gaashaanka u Daruuray Saldhiga Milatari ee Imaaraadku Ka Sameysanaayo Berbera DAAWO

Hargeysa 09. February 2017 (SDN/QJ):-Xildhibbaano ka tirsan aqalka Golaha Wakiilada Somaliland oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa si adag gaashaanka ugu daruuray saldhiga Milatari ee dawladda Imaaraadku ay ka sameysanayso magaalada Berbera, waxaana ay tilmaameen in saldhigaasi uu Khatar ku yahay qaranimada Somaliland. Xildhibbaanadan oo kala ah Xildhibbaan Cabdiraxmaan Talyaanle, Xildhibbaan Tukaale iyo Xildhibbaan…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo Difaacay Heshiiska Bixinta Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka Laga Siinayo Berbera  DAAWO

Berbera 09. February 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo Warbaahinta Kula Hadlay Xafiiskiisa Magaaladda Berbera ayaa ka Waramay Faa’iidada Somaliland Ugu Jirta Heshiiska ay Xukuumadda Somaliland la galayso Dawlada Imaaraadka Carabta ee Ku Wajahan Saldhiga Mileteri ee Magaalada Berbera. https://www.youtube.com/watch?v=s7e_006bH-k

Read More

Warbaahinta Caalamka oo Wax Ka Qortay Socdaalkii Cali Khaliif Galaydh Ku Yimi Hargeysa

Hargeysa 09. February 2017 (SDN/QJ):-Warbaahinta waawayn ee caalamka, ayaa wax ka qortay safarkii hogaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh uu ku yimmi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa maalintii Isniinta, iyo soo dhawayntii madaxda Somalilnd ku soo dhaweeyeen dalka.   Telefiishanka qaranka dawladda Shiinaha, ayaa ka mid ah warbaahinta caalamka ee wax ka qortay socaalka Somaliland…

Read More

“Arrinta Saldhiga Milateri Ee Imaaraadka Waxaanu u Aragnaa Oo Ku Qanacsanahay Inay Tahay Wax faa’iido Inoogu Jirto Qaran Ahaan.” Wasiirka Madaxtooyadda DAAWO

Hargeysa 09. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ujeedada safar ay ugu baxeen dalka Itoobiya isaga iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ay wehelinayaan Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye oo isagu ka sii horeeyey iyo qaar ka mid ah Wakiilada Somaliland ee dalalka dunida u fadhiya Somaliland.  …

Read More