Webmaster

Khataraha aan ahmiyadda la siin ee Caalamku waajahayo (Xogta Dahsoon) DAAWO

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dhibaatooyinka dunida ka jira sida wasakhowga hawada iyo isbedelka cimilada ayaa ah kuwo inta badan lagu gorfeeyo oo lagaga hadlo warbaahinta qaybaheeda lakiin xaqiiqadii waxaa jira mashaakilaad kale oo badan oo ay dunidu waajahayso, kuwaas oo wax ka qabashadooda aan ahmiyad weyn la siinin. https://youtu.be/df3qD3Ukw5I

Read More

Muuqaal Mucjiso ah “Ma waysan Aadanaha Eegeyn Geella iyo sida loo Abuuray?!!! DAAWO

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Sidaan la socono Alle weyne wuxuu Qur’aanka inoogu sheegay xayawaanaat badan oo Alle weyne ugu nimceeyay Ibnu Aadamka, Sida Geella, Loda, Ariga inkastoo ibnu Aadamka uusan Alle ugu mahad celin dhamaan nimcooyinka ka dhasha xayawaanaatkaasi noloshooda waxtarka weyn u leh. Hadaba barnaamijkaani waxaan ku arki doonaa sida Alle Weyne u…

Read More

‘’Murashax Muuse Biixi Wuxuu Qabtay Sadex Sanno oo uu ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Xukuumadii Cigaal Waxqabadkan’’ Siyaasi Cali Guray

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo dhawaan shaaciyey inuu siyaasadda xisbiga KULMIYE taageersan yahay, ayaa sharraxay waxqabadkii uu dalka ka geystay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Saddexdii sano ee uu wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa xukuumaddii marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. Qoraal uu arrintan kaga faaloonayo oo uu soo dhigay barta uu ku…

Read More

Ganacsato Qadoodiga Danyarta Ka Qaxwaysa Oo Suuqii Wax Iisbiga Kusoo Hadhay, Baankii Dhexe Oo Jaah-wareersan Iyo Masuuliyiinta Sariibadaha Baabuurta Kaga Adeegta Oo Siyaasadda Ku Dhereg-dhacsanaya

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xaaladda nololeed ee bulshada ku dhaqan guud ahaanba Somaliland, ayaa halkii ugu hoosaysay maraysa, waxana sicir-barar ku yimi maciishadii daruuriga ahayd ee la quudan jirey keentay inay dadkii danyarta ahaa awoodi waayaan inay iibsadaan wixii ay noloshooda ku dabari lahaayeen.   Sicir-bararka ku yimi quutal-daruuriga oo maalinba maalinta ka dambaysa…

Read More

“Haddii Dadka Ka Soo Jeeda Iyo Murashaxa Xisbiga Waddani C/iraxmaan Cirro, Ay Ka Rabaan Shaxaad Ganacsadaha SAMCABLE Maxamed Aw-siciid Dariiqan, Dariiq Aan Aheyn Inay U Soo Maraan Ayey Aheyd..” Fannaanada Sahra Halgan

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Fannaanada Sahra Halgan, ayaa ku eeddaysay murashaxa jagada madaxweynaha xisbiga waddani iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha xisbigaa in sheexaad ay ka doonayaan ganacsadaha SAMCABLE Maxamed Aw Siciid Geedi, isla markaana waxay difaacday taageerida murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.”Illaahay baan idinku dhaarshee ma xaqbaan hadalada dad aqoon yahano sheeganaaya inay…

Read More

Lacagaha dollarka ah oo gabaabsi ku noqdey suuqyada Puntland kadib hoos dhaqaale & Sababta Keentay

Garowe 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Degaanada Puntland oo waqtigaan ka jiraan abaaro ba’an ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyey waxaa ka jirey dhibaato xoogan oo dhaqaale kuwasoo saameyn balaaran ku yeeshey nolasha dadka Danyarta ah.   Sababaha keenay kor u kaca ku yimid sarifka dollar ayaa la Sheegay iney ugu waa weyn yihiin kadib markii hoos…

Read More

Baarlamaanka Galmudug oo loo diiday inay ka shiraan mooshin ka dhan ah Madaxweyne C.Kariin Guuleed DHAGAYSO

Cadaado 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa loo diiday in ku shiraan xaruntooda Cadaado, kadib markii ciidamada maamulkaasi ay is-hortaag ku sameeyeen.   Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, ayaa sheegay  in Xildhibaanada ay maanta ka doodi lahaayeen Mooshin ka dhan ah madaxweyne mamaulkaasi C/kariim Xuseen Guuleed.   “Ciidmada ilaalada…

Read More

Baarlamanka jubbaland oo laga Codsaday in Codkooda ay siyaan Gudoomiye Jawaari DHAGAYSO

Kismaayo 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Kulan lagu taageerayay Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka soomaliya hadana ah musharx u taagan qabashada Gudoomiyaha baarlamanka Soomaliya Maxamed shiikh Cismaan Jawaari yaa waxa uu ka dhacay magaalada kismaayo waxaana ka qayb galay masuuliyiin kamid ah maamulka jubaland iyo waxgarada.   dhamaan masuuliyiinta iyo waxgaradkii ka qaygalay kulankan Tageerada ah ayaa waxa…

Read More

Dhibaatooyin Soo Foodsaaray Dadka ay xoolihii ka Dhamaadeen ee Gobolka Mudug DAAWO

Gaalkacayo 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo ay abaaro xoogan ka jiraan dhulka miyiga ah ee gobolka Mudug ayaa xiligan waxaa sii xoogaysanaya dadka ay xooluhu dhaafayaan. Duleedka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo xarooday dad 20 Qoys ah kuwaas oo abaartu ay dhaafisay xoolihii ay ku dhaqanayeen dhulka miyiga ah. Dadkan ayaa waxaa soo wajahay…

Read More

Qoraal Ay Gabadh Da’ Yar Oo reer Lubnaan Ahi Ku Saadaalisay Halka Ay Xabaasheedu Ka Qodnayd  Oo Ay Markii Dembe Ku Khaatumaysatay Isla Markaana Rumoobay

Beirut 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Gabadh u dhalatay dalka Lebanon oo lagu magacaabo Rita Chami, ayaa saadaalisay in ay ku dhiman doonto dalka Turkiga ka hor inta aanay ka bixin dalkeeda Lubnaan una dhoofin magaalada Istanbuul ee Turkiga, taasoo ay saadaasheedi u rumawday.   Rita Chami, ayaa qoraal ay baraha Bulshadu ku kulanto soo dhigtay…

Read More

Dalka Switzerland oo Raadinaya Dad Soomaali ah oo magacan Galyo Waydiistay

Switzerland 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Hay,ada Socdaalka Ajanabiga u qaabilsan Dalka Switzerland ayaa sheegtay in dalkaasi sanadkii 2016 ay soo gashay 2,700 oo Soomaali ah kuwaas oo dhamaan isaga baxay dalkaasi kadib markii ay uga sii gudbeen waddamo kale.   Hay,adan ayaa hada radinaysa 492 Qof oo si gooni ah u waydiistay magan galyo kuwaas oo…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal Tacsi ah u Diray Chief Caaqil Galabta Shil  Baabuur Ku Geeriyooday

Hargaysa 07. January 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Cabdi Xaaji Diiriye (Gaadaali) oo Shil baabuur ku…

Read More

Faahfaahin: Labo Qarax oo ka dhacey magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ilaa hada ay Sababeen

Muqdisho 07. January 2017 (SDN/QJ):-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay, 17 kalena way ku dhaawacmeen labo Qarax oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumdda Soomaaliya. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifatax Cumar Xalane, ayaa xaqiijiyay qaraxyada, oo uu sheegay inay ahaayeen  nooca bamka gacanta ah lagu weeraray  Maqaaxi ku taalla Isgoyska Tarabuunka, halkaasi…

Read More

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani & Aragtida uu ka Bixiyey Kulan ay Yeesheen Hogaanka Xisbiyada Qaran & Komiishanka Doorashooyinka DAAWO

Hargaysa 07. January 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Xarunta Komiishanka Doorashooyinka ka dhacay Kulan Afar Geesood ah oo u dhexeeyay Hogaanka Xisbiyada Qaranka ee Ucid,Kulmiye Iyo Waddani iyo Komiishanka Doorashooyinka Kaas oo lagaga Xaajoonayay arrimo ku taxaluqa Qabsoomida Doorashada Madaxtooyadda oo Duruufo badani ku Meersan Yihiin. https://www.youtube.com/watch?v=kpmgmubn2Yw&feature=youtu.be

Read More