Webmaster

”Fadhigayagii Maanta Waxaan Ku Heshiinay Murashixiinta Sadexda Xisbi in aanaan Waxba Ku Heshiin Laakin Dadkeena aynu u Naxno Doorashada Xiligii aynu Doono ayaynu Qabsan Karnaaye” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiye Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas  Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Tafaasiil ka Bixiyey Kulan ay Maanta wada Yeesheen Murashixiinta Sadexda Xisbi qaran kaas oo lagaga arrinsanayay Xaalada abaaraha iyo arrimaha doorashooyinka sidii Talo Midaysan oo qaran looga yeelan lahaa.

Read More

”Nooma Muuqato in Maanta Kaadhadhkii Codbixiyeyaasha La Qaybiyo iyadoo 70% Dadkii la Siin lahaa aanay Joogin Goobihii ay Degenaayeen,Sidoo Kalena Mudo Kordhin Diyaar uma Nihin” Gudoomiye Cirro DAAWO

Hargaysa 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ka hadlayay Kulan ay Maanta Yeesheen Murashixiinta Sadexda Xisbi ayaa Sheegay in Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid ay Isku raacsan Yihiin in aan la qaybin Karin 21 Bishan Kaadhadhkii Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland,Maadaama…

Read More

Gudoomiye Muuse Biixi oo Maanta Ka Hadlay in Madaxweyne Siilaanyo Is Casilayo Talada Dalkana uu Ku Xigeenkiisa Ku Wareejinayo & Aragtida Xisbigiisa ee Qabsoomida Doorashada DAAWO

Hargaysa 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay aragtida Xisbigooda iyo Xukuumadiisu aaminsan Yihiin ee Ku Saabsan Qaybinta Kaadhka Codbixiyaha iyo In Doorashadu Xiligeedii Ku dhaco. Gudoomiye Muuse Biixi ayaa Hadalkan ka Jeediyey Kulan ay Murashixiinta Sadexda Xisbi Maanta ku Yeesheen Xarunta…

Read More

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Sharaxay Caqabadaha la rabo inay Somaliland ka Takhalusto & Iftiimin uu ku Sameeyay Barnaamijka Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargaysa 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo haatan ka Mid ah Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye ayaa Si Faahfaahsan uga Hadlay Caqabadaha ay Somaliland u baahan tahay inay ka Gudubto, Waxa uu Prof-ku hadalkan ka Jeediyey  kulan casuumad casho ah oo dhallinyarada xukuumadda iyo KULMIYE u sameeyeen. https://www.youtube.com/watch?v=-41IlK4wb2w&feature=youtu.be

Read More

Gabadh Yar oo 8 Jir ah oo Haraad Iyo Gaajo ugu Dhimatay Deegaan Ka Tirsan Gobolada Bari ee Somaliland

Hargaysa 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Farxiya Maxamuud Xuseen oo ahayd gabadh yar oo 8 jir ah ayaa deegaanka Kala-jeex ee gobalka Saraar ugu geeriyootay haraad iyo gaajo, ka dib abaarta adag ee ka taagan deegaanada kala duwan ee Somaliland. Guddiga gurmadka abaaraha gobalka Saraar iyo warbaahinta ayaa booqday qoyska ay ka soo jeeday gabadhan yari, waxaanay…

Read More

Kulan Sadex Geesood ah oo Sadexda Murashax ee Xisbiyada Qaranka,Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gudidda Doorashada oo Baaqday & Sababaha Keenay

Hargaysa 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Kulan la filayay inay shalay isugu yimaadaan saddexda murashax madaxweyne iyo guddiga doorashooyinku, ayaa si kedis ah u baaqday, waxaana baajiyay aragtiyaha kala fog ee ay ka taaganyihiin saddexda murashax in doorashadu qabsoomi karto iyadoo abaar xuni dalka ka jirto. Laakiin, waxa qabsoomay kulan aan toos ahayn oo uu Eng. Faysal…

Read More

Golaha Guurtida Oo Duuduub Ku Ansixiyey Xeer Khuseeya Doorashada Madaxtooyada oo Cadaynaya In Codbixiye Kastaa uu Ka Codaynayo Goobtii uu Iska Diiwaangeliyey ee uu Kaadhka Ka qaatay DAAWO

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa duud-duub ku ansixiyey Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka, ka dib markii Toddobaadkii hore Golaha Wakiilladu meel-mariyeen. Xeerkan oo ka hadlaya Hab-raaca Doorashada iyo sida Goobaha Cod-bixiyeyaashu Codkooda ka dhiibanayaan, ayaan Xildhibaannada Golaha Guurtidu ka doodin, balse ay duu-duub ku ansixiyeen. Qodobbada Xeerka la ansxiyey ayaa…

Read More

“Socdaalkii Dheeraa ee Soo Nooleynta Qaranka Soomaaliyeed ee Madaxwaynaha Xiligiisu Dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud” & Muuqaal Xiiso Leh DAAWO

Muqdisho 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Sanadkii 2012-kii waxay Soomaaliya gashay isbedel Taariikhi ah oo soo socday afartii ee la soo dhaafay, waana markii uu xilka madaxweynaha dalka la wareegay Xasan Shiikh Maxamuud ka dib loolan adag oo ugu dambeyn loogu doortay xilkaas. Sababihii guushiisa waxaa ugu waaweynaa lixda tiir ee uu qorshihiisa doorashada ku saleeyey…

Read More

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo Gudoomiye Muuse Biixi ku Eedeeyay inuu Rabo Sidii uu Dushooda Kubad ugu Ciyaari lahaa Shacabka Abaarta la Ildaran,Isla Markaana Iftiimiyey Dariiq ay Isaga Iyo Muuse Ku Kala Baydheen DAAWO

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo ka mid ah Saraakiisha Sare ee Xisbiga Waddani ayaa dhaleecayn u soo jeediyey Gudoomiyaha iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi. https://www.youtube.com/watch?v=H6Q_UJDaxSw

Read More

Doorashooyinka Somaliland Xilligee ugu haboon in lagu beego qabashadooda? Cali Guray

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Cimilada Somaliland waxa yaalaa saamaynta ugu wayn ku yeesha dabaylaha loo yaqaan Maansuunka oo Jilaalkiina ka soo dhaca Waqooyi Bari( North East Mansoon) loona yaqaano Jiilaashin, Gugiina ka soo dhacda Koonfur Galbeed(South West Mansoon) loona yaqaan Dabayl Xagaa. Waxa jira laba xili oo kale oo loo yaqaano labada kaliilood( Iner-mansoonal)…

Read More

‘’Abaarta Ilaahay Iyo Dawlad adag ayuunbaa inaga Saari Karta,Doorashada oo dib Loo Dhigaana Waxay Muujinaysaa Taagdaradeena’’ Maxamed Cali Bille DAAWO

Hargaysa 09. January 2017 (SDN/QJ):- Aqoon Yahan Maxamed Cali Bille oo dhawaan Shaaciyey Inuu Ku Biiray Xisbiga Kulmiye ayaa Ku dooday in Xaalada abaareed ee Ka Taagan Deegaanada Somaliland inuu eebbe inaga Saari Karo Isagoo hadalkiisa Ku Lamaaneeyay in Alle ay Soo raacayso Dawlad adag, Waxaa Kale oo uu Xusay in Doorashada oo dib loo…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Sicir-Bararka Maceeshadda Ee Shacabku La Baxaa-degayaa Ka Jirto Dalalka Geeska Afrika DAAWO

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sicir-Bararka Lacagta Doollarka iyo kor u kaca Qiimaha Maceeshadda ee reer Somaliland la baxaa-degayaan. Toddobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxa suuqyada Sarifka ee Somaliland lagu sarrifayey boqolka dollar ee Maraykanka ah inta u dhexeysa 790,000 (Toddoba boqol iyo 90 kun) oo shilinka Somaliland ah, halka marka…

Read More

‘’Xisbiga Kulmiye Markuu Mucaaridka ahaa Wuxuu Madaxweyne Rayaale Ku eedayn Jiray Xukuumad Wasiiro Badan,Balse Maanta Waa la arkaa in Tirada Wasiiradu Xadka ka baxday’’ Xildhibaan C.raxmaan Xoog

Hargaysa 09. January 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa inay waxyaabo badan kaga wanaagsanayd Xukuumaddan, waxaanu tilmaamay in waxyaabo badan oo ay Xukuumaddan Kulmiye ku dhaliili jirtay Xukuumaddii UDUB,…

Read More

Madaxtooyada Somaliland Oo Kulamo Hunguriyeed Dheefta Imaaraadka Meel Dheer Ka Arkaya La Qaadatay Mudaneyaal Xarfaan Ku Ah Riixitaanka Mooshinnada Xaasaasiga Iyo Nuxurka Doodihii La Is Dhaafsaday

Hargaysa 09. January 2017 (SDN/QJ):- Aqalka madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa maalmihii ugu dambeeyey ka socday shirar qarsoodi ah oo ay qaar kamid ah masuuliyiinta qasrigu kula qaateen xubno kooban oo kamid ah mudanayaasha aqalka wakiillada Somaliland, waxana sida aanu xogo muhiim ah ku helnay xildhibaanada laga codsaday inay ka hawlgalaan sidii xubnaha labada aqal looga…

Read More