Webmaster

Maxaad Ka Taqaan 11-ka Xiddig Ee Ugu Caansan Musaaracada WWE Iyo Kooxaha Ay Ka Taageeraan Kubadda Cagta?

Hargaysa 09. October 2016 (SDN/QJ):-Qaar kamid ah shaqsiyaadka ugu caansan ee ciyaara Musaaracada WWE ee caanka ah ayaa la ogaaday inay aad u taageeraan qaar kamid ah kooxaha kubadda cagta ciyaara. Shaqsiyaadkan ayaa dhamaantood waxa ay fursad u heleen xarunta shaqsi walba kooxda uu taageero waxaana ay isku soo sawireen qaar kamid ah ciyaartoyda iyo…

Read More

13 Xildhibaan oo lagala laaban doono kuraastooda, beelaha ay kasoo jeedaan DHAGAYSO

Muqdisho 09. October 2016 (SDN/QJ):-Gudigga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo cadaadis caalami ah kala kulmaya Qaramada Midoobay iyo dowladaha caalamka ayaa wada qorshe uu ku doonayo in uu liiska Xildhibaanada uga saaro xubno tuhun uu ku jiro qaabka ay doorashadooda ay ku dhacday.   Xubnaha la tuhunsan yahay ayaa ka soo baxay intooda badan Magaalooyinka…

Read More

Dowlada Jabuuti oo si layaableh uhor-istaageysa in Sh Shariif uu isku soo sharaxo Madaxweynaha Soomaaliya,& Sababta Keliftay

Muqdisho 09. October 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee loo saadaalinayo iney ku guuleysan karaan xilka ugu sareya.   Hase ahaatee siyaasadaha dowladaha shisheeye ay ka ciyaarayaan arimaha Soomaaliya ayaa saameyn xoogan ku yeelan karta in qaar kamid ah musharaxiinta ay waayaan booskoodii musharaxnimada.  …

Read More

Xilliga la Qabanayo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka & Madaxweynaha Somalia oo la isku raacay

Muqdisho 08. October 2016 (SDN/QJ):-Hogaamiyeyaasha madasha wada tashiga Qaran oo ka kooban madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada, maalintii labaadna kulan ku leh Muqdisho ayaa isku raacay xiliga la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamanka iyo Madaxweynaha Somalia. Shirkan oo sidoo kale ay ka qeyb galayaan wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia ayaa warar ku dhow dhow…

Read More

Natiijada Doorashada Ghana oo Maanta La Shaacinayo,Kooxo Jabsaday Computeradii Codbixinta & Walaaca Soo Kordhay

Accra 08. December 2016 (SDN/QJ):- Afhayeen u hadlay guddida doorashada ee dalka Ghana ayaa sheegay in guddigu ay maanta bilaabi doonaan sii daynta natiijada doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday, waxayna ku baaqeen in xaaladda la dejiyo. Eric Dzakpasu, afhayeenka guddida doorashada wuxuu ka falcelinayey faallooyin ka yimi xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee…

Read More

”Gaboose-ba Waa Kii Cirro oo ay Col ahaayeen Ku Biiray,Saleebaan Gaalna Waa Kii Siilaanyo La Midoobay,Dee Denbi ma aha Hadii aan Muuse Biixi Ku Biiro”Jamaal Cali Xuseen oo Sheegay Inuu Go’aamin Doono Halka Garabkiisu Ku Biirayaan DAAWO

Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Aqoon Yahan Jamaal Cali Xussein oo oo Maanta La Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inanay matalin Xubnihii shalay Ku Hadlay Magaca Garabkiisa ee Sheegay inay Ku Biirayaan Xisbiga Waddani. Waxaa Kale oo Jamaal Cali Xuseen Iftiimiyey in Maalmaha Soo Socda uu Shaacin Doono Halka Garabka uu Hogaamiyo Masiirkooda Siyaasadeed Ku Danbayn…

Read More

“Xisbiga Waddani Isagoo Aan Talo Qaban Ayuu U Kala Ab Tirinayaa Beeshiisa Waxaanuse Ka Yaabanahay Markuu Talada Qabto Siduu Yeeli Doono Waa Haday Dhacdee” DAAWO

Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):-Qaar ka mid ah Dhalinyarada Beesha Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Eedo Kulul U Jeediyay Xisbiga uu Musharraxa Ka Yahay ee WADDANI. ”Ka Miiska Masaxaya,Kan Basaska Soo Kireeya,Kuwa Saxaafadu Dhamaan Waxay Noqdeen Beesha Cirro Wadanina Xisbi Maaha” Qaar Ka Mid ah Dhalinyarada Beesha Xirsi Cismaan (Habaryoonis) https://www.youtube.com/watch?v=B2Qgq4qIs94 https://www.youtube.com/watch?v=ECt1u1hKjcc

Read More

Xildhibaan Maxamud Dheeg oo Ka Warbixiyey Waxyaabo La Yaab Leh oo uu London ku Soo arkay,Sidee Loo Arkaa Baasaboorada Somaliland Iyo Somalia !!! DAAWO

Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamuud Maxamed yaasiin dheeg oo Ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey safar dalka dibadiisa uu ugu maqnaa Gaar ahaan Dalka Ingiriiska. “Waxan yurub ku soo Arkay Passporada Somaliland iyo Somalia oo kala Qiiimo Sareeya Xaga Tixgalinta oo ka Somaliland ayaa la tix galiyaa,C.Kariin Jiir ayaan…

Read More

Wasiirka Cusub ee Dhaqanka & Dalxiiska oo Durba Dhaliilo u Jeediyey Siyaasi Ismaaciil Buubaa,Xisbiga Waddani & Beesha uu ka soo Jeedo DAAWO

Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiis Md:Khadar Xaaji Yuusuf ayaa Sheegay In Wasaaradan Cusub ee Madaxweynuhu u Igmaday ay Muujin doonto Kartidiisa. Wuxuu Wasiirkan Cusubi Durba Dhaliilo Siyaasadeed u Jeediyey Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa, Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Beesha uu Dhalasho ahaan ka soo Jeedo ee Gobolka…

Read More

Labeentii Garabka Jamaal Cali Xuseen oo Isku Raacay inay La Midoobaan Xisbiga Waddani & Aqoon-Yahan Jamaal oo Mar Kale Madi ku Noqday Garabkiisii DAAWO

Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Inta Badan Siyaasiyiinta Garabka uu Hogaamin Jiray Jamaal Cali Xuseen ayaa qaatay Go’aan ay Sheegeen inay Isku Raacsan Yihiin inay ku Biiraan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Hasa Yeeshee Jamaal Cali Xuseen ayaa Kadib Dhawaaqaas Waxa uu Sheegay in Xubnahani ay Iskood ugu Biirayaan Xisbiga Waddani Isagoo intaas ku daray…

Read More

Hargaysa oo uu Ka Furmay Shir Lagu Naaqishayo Nidaamka Geedi Socodka Doorashooyinka Somaliland DHAGAYSO/DAAWO

Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.   Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah hanaanka doorashada, caqabadaha ku gedaaman iyo waxayaabaha keena inay si isdaba joog ah dib ugu dhacaan.   Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya daneeyayaasha…

Read More

Boqor Raabbi Oo Sheegay In Shidaal Laga Qodayo Deegaano Ka Tirsan Degmada Sallaxley DAAWO

Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo ka tirsan madaxda dhaqanka Somaliland oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shidaal laga qodayo deegaano ka tirsan degmada Sallaxley, isla markaana la doonayo in dadka deegaankaasi la barakiciyo. Boqorku waxa uu sheegay in arrintan ay hoggaaminayaan dad uu ugu yeedhay…

Read More

‘’Madaxweyne Waxaa Kugu Xeeran Inaad Ogaato Weeyi, Illaahay masuuliyadiisa kaga baxsan maysid nin Hortaada ka Garaacaya Laabta”. Suldaan Aadan Faarax DAAWO

Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ayaa isku shandhayntii u dambaysay ee uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa, ku tilmaamay mid aan loo baahnayn wakhtigan islamarkaana aanay ka muuqanin cadaalad buuxdaa. Suldaan Aadan, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu ilaaliyo haybada…

Read More

Dhalinyarada Beesha Abokor Muuse (Ciidagale) Oo Sheegay inay Taageeradii Kala Noqdeen Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa

Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Kulan ay dhalinyarada Beesha Abokor Muuse ee Ciidagale iskugu yimaadeen magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku sheegeen inay taageeradii kala noqdeen Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa, waxaana ay taageero u muujiyeen hadal kasoo yeedhay Suldaan Aadan Faarax Cumar oo kamid ah salaadiinta Somaliland. Kulanka ay dhalinyaradu iskugu timid kaddib ayaa waxa…

Read More

Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Aanay Somaliland  Ka Maqnayn Doorashooyinka Ka Socda Muqdisho

Muqdisho 08. December 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddida dadban ee doorashooyinka dalka Soomaaliya, ayaa mar uu hadal ka jeediyay xarun lagu dooranayay xildhibaanada maqaar-saarka ee ka soo jeeda Somaliland waxaa uu sheegay in loo dhan yahay doorashada ka dhacaysa dalka Soomaaliya.   Guddoomiyaha doorashada Soomaaliya waxaa uu sheegay in si rasmiya ay u dhacday doorashada dalka…

Read More

“Madaxwayne Siilaanyo Wuu ku Degdegay Xil ka qaadista  Wasiir Baashe..” Shacabka Ceerigaabo

Ceerigaabo 08. December 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mida shacabka magaalada Ceerigaabo ayaa ka dareen celiyay xilka qaadistii madaxwayne Siilaanyo ku sameeyay wasiirka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac.   Dadweynaha Ceerigaabo waxaa ay casilaadaasi wasiir Baashe ku tilmaameen mid uu ku degdegay madaxwaynaha Somaliland kuwaasi oo ku tilmaamay wasiirkii ugu fiicnaa ee gobolada bariga kasoo jeeda…

Read More

Khudbadii Ugu Danbaysay ee Madaxweyne Obama ku Wadacay Mudadii Xil Hayntiisa Taas oo u Badnayd Amniga Maraykanka,Muxuu Somalia Ka Yidhi? DAAWO

Washington 08. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka. Madaxweynaha ayaa sheegey in dhanka ammaanka waxyaabaha ay Mareykanka ka qabteen ay ka mid tahay howlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya ay ka wado AMISOM oo Mareykanku dhaqaale ku caawiyo isagoo ka digey in Muslimiinta la faquuqo.

Read More