Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Caddaalada Afarta Wasiir ee uu Adeerka u Yahay
Hargaysa 06. December 2016 (SDN/QJ):-Muddo ku siman 7 sannadood oo uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, wuxuu toddobaadkan sameeyay isku shaandhayn, magacaabis iyo xil ka qaadistii u dambaysay. Madaxweyne Siilaanyo, digreetadiisan u dambaysay oo saamaysay in ka badan lixdan masuul, waxa ay saamaysay dhammaan beelaha Somaliland ee ku bahoobay qaranimada Somaliland, marka laga reebo beesha uu…
