Webmaster

Sida ay u Hindistay Dugsi lagu Sameeyo Noocyada Dharka & Sida ay Dhaqankeena u Gaadhsiisay Bulshooyin Kala Duwan Waa Marwo Qaali Ismaaciil Yuusuf

Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):- Qaali Ismaaciil Yuusuf Waa Mid ka Mid ah Haweenka Somaliland ee Aqoonta Fiican u leh Ganacsiga adduunka, Iyadoo ka Mid ah Qurbejoogta Somaliland ee Dalka Sweden degan Balse haatan degan Caasimada hargaysa oo ay ka Hirgalisay Ganacsi Muhiim ah. Marwo Qaali Ismaaciil Yuusuf Waxay Markii Kowaad si Xeel dheer uga…

Read More

Wasiirka Lagu Unkay Wasaaradda Dhaqanka & Dalxiiska Iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Maroodijeex oo Ku Gacan Saydhay Xilalka uu Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Xalay

Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):- Laba Masuul oo ka mid ah xubnaha uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xilal ayaa la sheegay inay iska diideen xilalkii loo dhiibay. Sida ay sheegayaan wararka ay Warbaahintu heshay wasiirka cusub ee wasaarada dhaqanka iyo hidaha Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Maroodi Jeex Maxamed Axmed Caalin…

Read More

Wax Ka Baro Waxyaabaha ay u Taagan Yihiin Midabada Qoomiyadaha Afrikaanka ah Wejiga ku Nashqadeeyaan

Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):-Qaaradda Afrika waa goob caan ku ah dhaqanno, caadooyin, luqado iyo hannaan is qurxineed kala duwan oo ay leeyihiin qoomiyadaha kala duwan ee ku dhaqan. Ragga iyo dumarka qabiilooyinka amma qoomiyadaha ku dhaqan qaaradda Afrika waxa ay ku kala duwan yihiin hannaanka ay isu qurxiyaan. Hannaanka is qurxin ee qoomiyaduhu waxay…

Read More

Murashaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani & Xoghayaha Warfaafinta oo Si Sanqadh Yar Hargaysa Dib ugu Soo Laabtay DAAWO

Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Caasimada Somaliland ee Hargaysa Ku Soo Guryo noqday Wefti uu Hogaaminayay Murashaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi oo uu Weheliyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbigaas Siyaasi C.rashiid Xasan Mataan oo Mudooyinkii u danbeeyay Socdaal ku Marayay Dalal ka Tirsan Qaarada…

Read More

Isir Sooc Baahsan oo Ka Socda Qaybo Ka Mid Ah Dalka Koonfurta Suudaan & Walaaca Qaramada Midoobay

Juba 04. December 2016 (SDN/QJ):-Guddi ka mid ah Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in isir-tir ay ka socoto qaybo badan dalka Koonfurta Suudaan, loona baahan yahay in beesha caalamku ay deg-deg wax uga qabato si looga hortago inuu dhaco xasuuq la mid ah kii ka dhacay dalka Rwanda 1994-kii. Booqasho ay ku tageen Suudaanta Koofureed, Guddidu…

Read More

Ma Jiraan Waxyaabo Xiiso Gaar ah u Yeelay Doorashadii lagu Kala Calaf Qaaday ee Dalka Gambia?

Gambia 04. December 2016 (SDN/QJ):- Dalka Gambia wuxuu leeyahay nidaam u gaar ah oo ay dadweynuhu ugu codeeyaan Madaxweynaha & doorashooyinka kaleba. Halka laga isticmaalo waraaqaha codaynta, waxay isticmaalaan Fataatiiro lagu gurayo sanaaquud midab ka samaysan. Waa nidaam dalkaasi soo jireen ka ah. Goob kasta oo codbixineed waxaa la dhigaa saddex sanduuq oo kala midab…

Read More

Madaxweynaha Gambia Oo Qiray In Lagaga Adkaaday Doorasho Dhacday Khamiistii

Gambia 04. December 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Dalka Gambia Yahya Jammeh, ayaa qirtay in lagaga guuleystay Doorashadii Madaxtinimo ee Khamiistii ka dhacday Dalkaasi, sidaana waxa sheegay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka ee Daljka Gambia Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinku wuxuu in ay ahayd wax aan la saadaalin karin in hoggaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada, ka hor shaacinta natiijooyinka…

Read More

Maxkamad caddaysay in uu xaqdaro ahaa xukun dil ah oo la fuliyey 21 sano ka hor

Maxkamadda sare ayaa sheegtay in aan lahaynin cadaymo dhamaystiran oo ku saabsan in Nie uu dambigaas gaystay Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):-Maxkamad ku taalla dalka Shiinaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay go’aan maxkamadeed oo lagu toogtay nin lagu eedeeyay in uu gabadh kufsaday ka dibna dilay muddo haatan 21 sano laga joogo.   Nie…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Saaray Magacaabis, XIlka qaadis, Isku Bedel Uu Ku Sameeyey Masuuliyiinta Xukuumadda & Wasaarad Cusub oo uu Unkay AKHRI

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa soo saaray Magacaabis, Xil ka qaadis, Isku bedel uu ku sameeyey Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadiisa. Isku shaandheyntan uu soo saaray Madaxweyne Silaanyo ayaa saameysay 62masuul, waxaanay u dhigneyd sidan:-   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu…

Read More

Guddoomiyaha KULMIYE oo 15 Maalmood kadib Safarkii Xaaladda Abaarta ku soo Laabtay Caasimadda Hargeysa & Dardaarankiisa La Xidhiidha Ololaha Doorashada DAAWO

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa galabta kadib 15 maalmood oo safar la xidhiidha xaaladda abaarta ka jirta ugu maqnaa gobollada bari ee Somaliland. Guddoomiyaha KULMIYE iyo madax kale oo xisbiga ah iyo wasiirro ka tirsan…

Read More

Maareeye Ku Xigeenka Telefishanka Qaranka ee Muqdisho u Tegay ka Qayb galka Kuraasta Aqalka Sare oo Beeniyay Hadal uu Hore u Yidhi DAAWO

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cismaan Saxardiid Caddaani ayaa Ku Sifeeyay Khaa-imul Waddan Maareeye Ku Xigeenkii Telefishanka Qaranka Mustafe Maxamed Qodax oo Magaalada Muqdisho u Tegay Si uu Uga Qayb galo Tartanka Aqalka Sare ee Dalka Somalia. Maareeye Ku Xigeenkan ayaa ka Galgashay eedaynta uga Timid Wasiirkiisii Warfaafinta. https://www.youtube.com/watch?v=VIqbL7INwyE

Read More

Madaxtooyada Soomaaliya oo si adag uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray ra’iisal wasaare Sharma’arke

Muqdisho 03. December 2016 (SDN/QJ):-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay hadal maalintii shalay ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke oo sheegay in dalku u baahan yahay isbadal dhinaca hogaanka ah. Agaasimaha warfaaafinta madaxtooyada Soomaaliya Shador Xaaji Max’uud ayaa sheegay in hadalka ra’iisal wasaaruhu ahaa mid gaf ah islamarkaan aan…

Read More

Wasiirka Biyaha Oo Kulan La Qaatay Waxgarad Iyo Madaxdhaqameed Ku Bogaadiyay Shaqada Uu Qaranka U Hayo+Sawiro

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Khayraadka Biyaha Mudane Baashe Cali Faarax ayaa Maanta Kulan la Qaatay Madax dhaqameed iyo Dhallinyaro kala duwan, Kulanka Waxa Gadhwadeen Ka Ahaa Wasiirka Khayraadka Biyaha,Mudane Baashe Cali Jaamac, Dhanka kale waxaa goob jog Ka ahaa Madax dhaqameed Kala gedisan,Masuuliyiin,Aqoonyahan Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiirul Dawlaha Wasaarada Biyaha, Mudane…

Read More

Khilaafka ka Dhexeeya Madaxtooyada Iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha & Wasiir Caddami oo Ka Hadlay Baadhitaanka Amni ee Wasiir Baashe

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Gaashan-dhiga Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ka hadlay falkii doraad lagaga hor istaagay Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac, inuu galo Shirka todobaadlaha ah ee Wasiiradda, ka dib markii ay ciidanka madaxtooyadu wasiirka u sheegeen inay baadhayaan. Wasiir Cadami, wuxuu ka mid ahaa laba wasiir oo kala dhex galay wasiirka iyo…

Read More

Somaliland: Hay’adda UNICEF oo Qoraal Raalligalin ah u soo dirtay Wasaaradda Waxbarashada

Hargeysa, December 3, 2016, (SDN/QJ) :– Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF ayaa markii ugu horraysay raalligalin ka bixisay hadallo qadaf ah oo mid ka mid ah masuuliyiinteedu kula kacay madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland. Qoraal raalligalin ah oo ay ku saxeexan tahay madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada…

Read More

Afhayeenka Booliska Somaliland oo Jawaab ka Bixiyey Eedayn Uga Timid Gudoomiye Cirro DAAWO

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa Jawaab adag ka bixiyey Hadal ka soo Yeedhay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo Sheegay in laga Hor Joogsaday Booqasho ay ku soo eegayeen Sarkaal ka tirsan Xisbigaas oo ku Xidhan Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargaysa.

Read More

”Axmed Faarax & Reer Caynaanshe Waddani inay Galaan iyagaa Go’aansadeen Cid Ku Khasabtayna Ma Jirto” Wasiirka Caddaani oo Badheedhihiisa Cadeeyay

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo wacyigalinta JSl Mud. Cismaan C/laahi Saxardid (Cadaani) Oo Warbaahinta Kula Hadlay Xafiiskiisa Magalada Hargeysa Ayaa Faahfaahin Ka Bixiyay Safarkii Madaxwaynaha JSL Ugu Kuurgalaayay Xaalada Abaaraha ee Gobolada Bari.

Read More