Waan Ooyayaa..!!!! W/Q: Mohamed Hassan Daacad
Waxaan Ahay 7 Jir Rajay ah,Hooyadayna sanad ka hor ayay xijaabatay.Labadayda Waalid Wax caruur ah kaligay bay ila haayeen. Markii ay Ifka ka hoyatay Hooyaday macaan,waxaan waajahay Nolol adag. Nolol,ay weheliyaan Mutuutulo Mugdi iyo murugo u saaxiib ah,waxaana deris ila noqday;hoy la’aan,Hooyo la’aan,hanti la’aan,hammi la’aan,higsi la’aan,horumar la’aan iyo u-hiloobid la’aan muuqaalka dhabta ah ee nolasha…
