Webmaster

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka Hadlay Sida uu ku soo Dhamaaday Kaadh Qaadashadii Gobolka Sanaag DAAWO

Ceerigaabo 05. September 2017 (SDN/QJ):- Xubno ka tirsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka,Madax ka socda Xisbiyada Siyaasadda Iyo Maamulka heer Gobol ee Gobolka Sanaag iyo Ka Degmada Ceerigaabo ayaa ka hadlay sida ay Jiidaha kala duwan ee Gobolkaasi uga soo dhamaatay mudadii 14 ka cisho ee dheeriga ahaa ee Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha. https://www.youtube.com/watch?v=cSZB5eqhCk4

Read More

‘’Marxalada ay Somalia maanta marayso sidaad la socotaan ma Caawin Karto Jab’had,Ninka Qalbi Dhagax la dhahaana waxa uu ka Tirsanaa Ururka ONLF Markaa Qalbi Dhagax Qof kama badna ee waa Shakhsi’’ Siyaasi Salaan Cali Jeele DAAWO

Muqdisho 05. September 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Salaad Cali Jeele oo Xilal kala duwan ka soo qabtay Somalia ayaa ka hadlay hadal haynta ka dhalatay u dhiibitaankii Somalia ee Sarkaalkii C.kariin Xuseen Qalbi dhagax ee ay u gacan galisay Itoobiya. Waxa uu Salaad sheegay in ninkani uu ka tirsanaa Ururka ONLF isla markaana Somalia aanay marti…

Read More

“Markaad Jaamacadaha Dalka eegto waxaad Ogaanaysaa inay Camuud Jaamacad tahay…” Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam DAAWO

Boorama 05. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa horumar Wax-barasho ku ammaantay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama marka loo eego heerkeeda Waxbarasho iyo Tayada Ardayda ka baxda, marka la barbar-dhigo Jaamacadaha kale ee Somaliland ka jira. Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay marka Kaamboownka Camuud Qofku galo inuu garanayo inuu Jaamacad…

Read More

“Mas’uuliyiintiisa sarsare WADDANI iyo Murrashax Cirro ayaa ka maarmay TV-ga qaranka iyo Radio Hargeysa” Dooda Wasiir Caddaani ee Dacwada Waddani ka Gudbinayo Warbaahinta Qaranka AKHRI/DAAWO

Hargaysa 05. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka  Wasaaradd Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md.  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in  masuuliyiinta sarsare ee xisbiga mucaaradka ah  ee WADDANI ay  ka maarmeen warbaahinta qaranka isla markaana ay hanjabaad iyo diidmo qayaxan kala horyimaadaan marka suxufiyiinta warbaahinta qaranku u tagaan. Wasiirka Warfaafintu wuxuu jawaab adag ka bixiyey …

Read More

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka Hadlay Dhacdadii Somalia ugu dhiibtay Itoobiya C.kariin Qalbi dhagax

Muqdisho 05. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikriin xuseen Guuleed ayaa ka mid noqday Siyaasiyiinta sida weyn uga hadlayay falkii dowladda Soomaaliya ugu wareejisay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ONLF. War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ayaa waxa uu…

Read More

”Aabahey Wuu Ila Soo Hadlay Isagoo Ku Jira Gacanta Dowladda Xaaladiisana Ma Fiicnayen” Gabadh uu Dhalay Qalbi Dhagax DAAWO

Kismaayo 05. September 2017 (SDN/QJ):- Gabar uu dhalay C/Kariim Qalbi-dhagax ayaa kasoo muuqatay baraha bulshadda iyadoo xog dheer ka bixisay qaabkii ay dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay aabaheed. Wariye Cabdi Caziiz Afrika oo wareystay gabadhan ayaa waxaa ay sheegtay in aabaheed laga soo qabtay Gaalkacyo, mudo dheerna uu Soomaaliya ku sugnaa, laakiin loo gacan geliyay…

Read More

Mid Ka Mid ah Foolaadkii Fanka Jamhuuriyadda Jabuuti & Xusuus Reeb Xiiso Leh Waa Aamina Faarax Wabar DAAWO

Hargaysa 05. September 2017 (SDN/QJ):- Fannaanada Aamina Faarax Wabar dadka qaarna u yaqaanaan Aamina Gacan La’a Waxay ka mid tahay Hoboladii Shamaca u shiday Fanka Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Waa Heesaa Sidoo Kalena Waa Jilaa Masraxeed. Aamina Faarax Wabar Waa Fannaanad Cod halaasi ah ilaahay siiyay Waxaa Kale oo ay si Xarago leh u qaadaa Heesihii…

Read More

Ururka Al-Shabaabku Ma Dhoofin Karaa Macdanta Niyuukleerka Laga Sameeyo? Warbixin La Yaab Leh

London 05. September 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ka codsatay Mareykanka taageero milatari oo deg deg ah sababtuna waxay ku sheegtay mintidiinta Al-Shabaab ay qorsheynayaan in dalka Iraan ay u dhoofiyaan macdanta Yuuraaniyaamta. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo dhambaal u diray safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Stephen Schwartz, ayaa sheegay in…

Read More

Xiliga ay Dhacayso Doorashadda Madaxweyne ee Kenya oo La Shaaciyey + Madaxweyne Uhuru Kenyatta & Murashax Raila Odinga oo Ku Keliyeystay Iyo Muran hor leh oo Bilaabmay!!

Nairobi 05. September 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Doorashooyinka Kenya ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha Oktoobar la qaban doono doorashada madaxweynenimo ee Kenya kadib markii ay maxkamad amartay in mar kale lagu celiyo doorashada. War ka soo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka…

Read More

Wargeyska Washington Post oo xog cusub ka qoray Xaqiiqda arinta Qalbi dhagax-ma asagaa isdhiibay mise Dowlada Soomaaliya ayaa u dhiibtay Itoobiya? AKHRI

Washington 05. September 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray in dowladda Ethiopia ay xaqiijisay in sarkaalka ONLF ee Cabdikariim Qalbi Dhagax uu iskiis isku soo dhiibay. Sida ay qortay Washington Post, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Meles Alem ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dowladda Soomaaliya ay…

Read More

8 Arrin Oo Ka Qaldanaa Kulanka “Maqal Dadkaaga” Ee Xukuumadda Federaalka Somalia Iyo Warbaahinta Warbixin

Muqdisho 05. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa magaalada Muqdisho xalay ka dhacay kulan loogu magac daray “Maqal Dadkaaga” kaas oo xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku sheegtay isla xisaabtan u dhaxeeya golaha wasiirrada iyo warbaahinta, marka laga soo tago qabsoomidda kulanka halkaasi kama dhicin wax isla xisaabtan ah, waxaa ay xukuumadda heshay fursad ay ku suuq-geyso…

Read More

Qaramada Midoobay oo Ka arrinsanaya Tijaabadii Gantaalkii Lixaad ee Waqooyiga Kuuriya Tijaabisay

New York 05. September 2017 (SDN/QJ):- Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa bilaabay inay yeeshaan kulan degdeg ah si ay heshiis uga gaadhaan jawaabta laga bixinayo tijaabadii qumbulada haydarojiinta ee ay dhowaan samaysay kuuriyada waqooyi, xilli ay soo kordhayaan dalabyada ah in cunoqabatayn cusub la saaro. Kulanka magaalada Newyork waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo…

Read More

Laba Sano oo Khilaaf Dublamaasiyadeed oo Meel Xun Gaadhay u Dhexeeyay Sucuudiga Iyo Iran ayaa Wefti ka socda Sucuudigu Waxay Booqasho ku Tegayaan Magaaladda Tehran

Tehran 05. September 2017 (SDN/QJ):- Iiraan ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in Wafdi ka socda Dowladda Sacuudiga ku soo wajahan yihiin magaalladda Tehran ee xarunta waddankaasi. Socdaalkaasi ayaa imanaya wax ka yar 2 sanno, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga xidhiidhka u jartay Iiraan, sababo ku Lug leh weerarkii ay Dibadbaxayaasha u dhashay Iiraaan ku burburiyeen Safaaradda…

Read More

Turkiga oo Abaabulaya Shir ay Waddamada Islaamku ka Yeeshaan Gumaadka Lagu hayo Qoomiyada Rohinga ee Dalka Myanmar

Istanbul 05. September 2017 (SDN/QJ):- Dawlada dalkaasi Turkey-ga ayaa shaacisay shir ay u qabanayso waddamada Islaamka ah, kaas oo lagaga arrinsan doono  xasuuqa iyo barakicinta  loo geysanaayo dadka Muslimiinta ah ee ku nool wadanka  Myanmar ama Burma . Waxaana shirkaasi ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi  Turkey-ga Mevlut Cavusoglu , isaga oo wasiirku sheegay  in…

Read More

Gudoomiyaha Sanadlaha ah ee Qaarada Africa oo Hawraarsan Ku soo Dhaweeyay Go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya

Addis Ababa 05. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Ginie Alpha Konde oo haatan ah Gudoomiyaha sanadlaha ah ee qaaradda Afrika ayaa soo dhoweeyey go’aanka Maxkamada Kenya ee dib ugu celinta tartankii doorashada madaxtinimada ee Dalkaasi. Mr Konde waxa uu sheegay in talaabadaasi sharaf u tahay qaaradda Afrika isla markaana ka markhaati kacayso sida ay Dimuqraadiyadu…

Read More

Laba Raysal Wasaare oo Pakistan soo Maray oo Loo Haysto inay ka Danbeeyeen Dilka Haweenaydii Raysal Wasaaraha ka ahayd Pakistan

Karachi 05. September 2017 (SDN/QJ):- Raysal Wasaarihii Hore ee Pakistan Nawad Shariif ayaa sheegay inuu dalkiisa dib ugu laabanayo isla markaana uu ka jawaabi doono dacwad loo haysto oo ku saabsan Musuq maasuq iyo wax is daba marin. Raysal wasaarihii hore ee Pakistan ayaa maxkamada Pakistan ee qaabilsan Argagixisadu u haystaa inuu kaalin ku lahaa…

Read More

Farxadii ay ka qaaday Lacag Baqshiish loo Siiyay ayaa Nolosheeda Galaafan Gaadhay

New Jersey 05. September 2017 (SDN/QJ):- Gabadh mudalab ka ah hudheel cunto oo Maraykanka ku yaalla ayaa u qaadan waa u dhiman gaadhay kadib markii macmiil hudheelka cunto ka iibsaday uu baqshiish u siiyey lacag aanay weligeed ka filanayn macaamiishu in ay siiyaan. Breena Siegel oo ka shaqaysa hudheel ku yaalla gobal New Jersey ee…

Read More

Hindiya: Gabadh 12 Sano Jir Ah Oo Is Dishay Kadib Markii Macalinkeeda Si Xun Ula Dhaqmay!!

Delhi 05. September 2017 (SDN/QJ):- Gabar 12 jir oo ku nooleyd koonfurta dalka Hindiya ayaa is dishay ka dib markii macallinkii waxbarayay uu dadka hortooda ku bahdilay, maadaama dharkii ay xirneyd uu ka muuqday dhiiga caadada gabdhaha. Inkastoo gabadha aysan sheegin in macallinka uu cebeeyay, haddana hooyada dhashay gabadha waxaa ay sheegtay in macallinka uu…

Read More

Dawlada Ruushka oo si adag u Canbaaraysay Go’aan dalka Maraykanku Albaabada ugu Xidhay Qunsuliyad iyo Laba Xarumood oo Ruushku lahaa

Moscow 05. September 2017 (SDN/QJ):- Dalka Ruushka ayaa si adag u canbaareeyey qaraarka Maraykanku albaabada ugu xidhay saddex ka mid ah goobaha diblumaasiyadeed ee ay ku lahaayeen dalkaas. Ruushku waxa uu ku tilmaamay qaraarka Mareykanka inuu yahay mid  xad gudub ku ah qawaaniinta dawliga ah, waxaanay xukuumadda Mosko ku tilmaantay qaraarka  Maraykanku inuu yahay cadawtinimo…

Read More